Beeraha Dhibaatada Ka Soo Gaadha Carro Guurka Ay Biyuhu Keenaan

0
701

Dhinaca kale ee qormadeena waxaynu ku eegi doonaa Carro guurka ay keenaan iyo dhibaatada beeraha ka soo gaadha. Daadadku waxay saamayn ku leeyihiin carro-guurka ciida, kuwaas oo u dhaca siyaabo kala duwan, oo ay ka mid yihiin:-

 

  • Marka hore daadadku waxaa ay lumiyaan  labeenta sare ee carrada ee afka qalaad loo yaqaan loo yaqaan (sheet erosion.)
  • Marka xiga-na waxaa samaysma ililo, kuwaas oo marka danbe isu roga jeex-jeexyo soona bata marba marka kasii dambeeya illaa ay noqdaan laago biyo mareeno ah.
  • Boholaha iyo waadiyada  oo ay adag tahay siyaabaha wax looga qabto. (Gully and stream bank erosion)  waxaanay samaysma marka ay xoogaystaan daadadka iyo xawliga socodka biyaha.

Lumista  carrada sare iyo socodka biyaha waxaa sidoo kale ka qayb qaata kala saraynta dhulka (slopping land) taas oo dalkeena ku badan. Markasta oo ay lunto carrada sare, dhirta iyo nabaadka dhulka ka baxaa waxaa ay halis u yihiin in ay dabar, go’aan nafaqo la’aan darteed.

Si kastaba ha ahaatee heerka dhalan gadiska nabad-guurka carrada waxaa sii nugleeya ama sii kordhiya  arimaha ay ka midka yihiin:-

  • Roobabka xoogan ee hal mar biyo dhiga dhulka ayna ka dhashaan daadad waawayn oo wax qaada.
  • Kala saraynta dhulka (sloping land.)
  • Nooca carrada (Soil type)
  • Isticmaalka dhulka (Land use)

Roobaka xoogan ee biyo dhaca ku sameeya oogada carrada waxaa ay keenaan khasaare Deegaanka carrada, haddii aanay jirin dhir hakisa socodka biyaha sida ka muuqata sawirka hoos ku qoran.waxaana muhiin ah in ay dadku ogaadaan  Meeleba- meesha ay ka dhir yar tahay waa ay nabaad guur badan tahay, waxaanay marka dambe isu badashaa lama-degaan oo afka Ingiriisiga loo yaqaan (desert).

Dib-U-Hagaajinta Carro-Guurka Dabiciga Ah Iyo Dhalan-Gediska  Ee Deegaanka

Wadooyinka faraha badan iyo kala saraynta dhulku waxaa ay sababaan carro-guur iyo boholo ka dilaaca dhulka kuwaas oo lumiyaha biyaha iyo carrrada. Hadaba Si loo hakiyo socodka biyaha iyo dhalan-gadiska carradda, waxaa fiican in wax laga-qabto boholaha, jeex-jeexyada iyo wadooyinka baabuurtu ay sameeyeen. Waxa kale iyana fiican in dadka lagu wacyigaliyo wax ka qabashada dhibaatada soo gaadho  Deegaanka si loo yareeyo xaalufka iyo nabaad-guurka inta aanu Deegaanku sii xumaan ama aanu isu bedelin saxare ama lama-degaan.

Hakinta Socodka  Biyaha Iyo Carro- Guurka

Biyaha socda ee keena carro-guurka waxa lagu joojinkaraa naxarada biyo xidhka (contours) si iyo buuxinta dhulka go’ay boholaha noqday.

 

Leave a Reply