Waxsoo-saarka Beeraha Dalkeena Iyo Sida Ugu Haboon Ee Loo Kobcin Karo

0
1797

Dhinaca kale ee qormadeenana todobaad kan waxaynu ku soo qaadan doonaa dalagyda ugu badan ee ay beertaan beeralaydu, siyaabaha loo hurumariyo iyo wax tarka tacabka beeraha

eeralaydu marka ay sameeyaan dadaalka xagga beerashada waxa kale oo lagama maar maan ah in beertiisaa u helo horumarin, taas oo dhinacyo badan taabanysa.

Tayaynta Dalagyada Beeraha Iyo Horumarintooda

Horumarinta beeraha iyo beeralayda waxa uu xilka saaran yahay dawlada siiba wasaaradda beeraha, tusaale ahaan wasaaradda beeraha ee Somaliland in kasta oo uu itaakeedu aanu ahayn mid sidaa u sii buuran hadadana waxa jira dadadlo badan oo muuqda kuwaas oo isugu jira tabaro loo sameeyo beeralayda, in laga caawiyo beerlayda dan’yarta ah xagga qodaalka beeraha wacyi-galin iyo kormeero joogta ah kuwaas oo ay masuuliyiinta wasaaradda beerahu ku tagaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka beeeralaydu iyagoo soo darsa hadba haahiyaha ay qabaan beeralaydu si ay wax uga qabtaan intii karaan kooda ah iyagoo la kaashada Hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin.

Dibad U Dhoofinta Dalagyada

Marka uu hana qaado tacabka waxsoo saarka beeruhu waxa lagama maarnaan ah in loo helo suuqyo ganacsi oo dibadeed si ay beeralaydu tacabkooda ugu dhiiradaan. Beeralayda dalkeenu in kasta oo aanay ku badnanayn xagga dhoofinta waxsoo saarkooda hadana waxa muuqata in ay jiraan beeralayda badan oo hamigoodu yahay in ay waxsoo saarkooda wada gaadhsiiyaan dalka oo dhan kadibna u gudbaan wadamada kale ee jaarka ah. Hrumarka ay inta badan gaadheen wadamada hore u maray waxay badi ku gaadheen xagga waxsoo-saarka beeraha iyo tacabka dadka ku nool wadanadaasi. Haddii la ay beeralaydu sameeyaan dadaal joogto ah kaashadaana dadka aqoonta u leh culuumta beeraha iyo wasaaradda beeraha oo ah ta u xilsaaran horu marinta iyo kor u qaadida aqoonta beeralayda, beeralaydu way ku guulaysan karaan in umada u soo saaraan dalagyo ku filan, taas oo qayb wayn ka qaadan tarta hru marinta dhaqaalaha dadka iyo ka dadkaba. Barashada cuuluumta beeruhu waxay ka midtahay wax yaabaha lagama maar maanka u ah kor u qaadida arrimaha beeraha iyo tacabka beeralayda. Aqoonta culuumta beeruhu waa mid soo kordhaysa oo uu mustaqbal wanaagsani ka muuqdo, maadaama oo ay ka soo baexeen jaamacadaha dalka arday ka qalin jabisay culuumta beeraha oo kuwaas oo soo bartay aqoon ay wax kaga badali karaan xaalada beeraha iyo beeralayda dalka.

Gaba gabadiina maadaama oo ay beeruhu yihiin waxa wadamo badan oo fiqiir ahaa u badalay kuwo qani ah, taasi waxay muujinaysaa qiimaha ay beeruhu u leeyihiin dadka iyo dalkaba, wasaaradda beeraha, beeralayda iyo dadwaynaha reer Somalailand-ba waxa hubaal ah haddii ay xooga saaraan tacabka beeraha waxa hubaal ah in ay kaalin wayn ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha dalka.

Beeruhu waxa laf-dhabar u yihiin taabo-galka horumarka dalkasta.

Leave a Reply