SiidhkaTayada Leh Iyo Kaalinta Uu Ka Qaato Horumarinta Tacabka

0
1637

Dhinaca kale ee qormadeenan siidhka ama abuurku waxa uu leeyahay noocyo kala  duwan, waxaana kaalin aad u wayn kaga jiraa xoojinta waxsoo saarka tacabka beeraha. Hadii beerta loo helo siidh ama shini fiican waxa  hubaal ah in beertaas laga helaayo dalag tayo leh oo aad u fiican.

Siidhka ama shinidu waa qeyb kasto oo ka mid ah qeybaha geedka taas oo loo isticmaali karo badinta ama taranka dalagyada labeerto nocyadiisa kala duwanwaxay noqan karaan qeybahaas sida miraha caadiga ah loo beero sida suufka fuulka qamidiga galayda masagada iyo wixii la mid ah. Sidoo kale waxay noqonkaraan waxa loo yaqaabo qeybaha cagaaran sida nodes oo ah sida loo abuuro qasabka basasha,tuunka iyo waxyabaha la abuurto xidadadooda sida barandhada batatiga iyo waliba Ccormit sida muuska iyo timirta.

 

Meelaha Laga Helo Siidhka Ama Shinid

  1. Midhaha fiican waxaa laga soo qaata dalagyada leh sifaadka wirathiga ah ee wanaagsan.
  2. Abuurka waa in laga soogataa ilo lagu kalsoonyahay sida hay’adaha qaranka ah ee ku shuqulka leh ama shirkadaha lagu kalsonyahay ee kashaqeya dhankaas maxa yelay waxay aad muhimada usiyaan baritanka tayada abuurka iyo waliba kedintiisa qaab cilmiyeysan oo sax ah.

3-In laga soo dhofiyo wadamo kale ayaadoo lo maraayo shirakaadka ku shaqada leh

abuuka waa in beerta lagu abuuraa abuur wanaagsan oo cafimaad qaba, abuurka wanaagsan waxaa uu noqon karaa.

  1. B) Midho laga soo guray sabuulo laga soo xushay beerta intii aan miraha kale laga jarin, sabuuladaas waa in ay ahaadaan kuwo dherer iyo dhumucda leh isla markaasna laga soo guray dhir cafimaad qabtay oo si wanaagsan u baxday; ma wanaagsana in miraha beerta marka lasoo jaro laga dhex xusho abuurka la beeri doono, sababtu waxay tahay dhirtu beerta ka baxday qaar ka mid ah ayaan jira oo qabey cudur kadibna marka la isla soo jaro kii caafimaadka qabay iyo kii bukey waxaa hubaal ah in ay cudurkii is gaarsiiyaan, sidaas daraadeed ayaan abuur looga dhex saari karin marka miraha beerta la isku daro.Haddaba waxaa haboon in inta aan beerta la jarin laga soo dhex xusho abuurka si loo helo abuur caafimaad qaba.
  2. T) Abuur fiican marka la helo waxaa lagama maarmaan ah in sun lagu celinaysaa cudurkii uu dhulka kala soo dhalan lahaa, waxaa kale oo suntan abuurka ka celinaysaa cayayaankii ku cunni lahaa inta uu dhulka ku jirta sida dixriga loo yaqaan (dirxi digood ama digo-gale). Muhiimada uu leeyahay abuurka:-

1.Abuurka wanaagsan wuxuu ilaa liyaa ama xafidaa nolosha dalaga sababtoo ah wuxuu wataa Genetic compositions taas u so gudbinkarta nasliga geedka dambe.

  1. Wuxuu noqon karaa wado uu ku bato ama ku faafo meelo kale .
  2. Wuxuu noqonkaraa ilaha ugu muhiimsan ee cunada ay kahelan bani aadamka iyo xaywaanadka .
  3. Sidoo kale waxa uu noqonkara ilaha ugu muhiimsan ee laga helo madoyinka ceyriinka ah ee loo isticmalo warshadaha sifaadka abuurka wanaagsan.
  4. Waa inuu ahadaa abuur nadiif ah oo kamaran cudur taas oo surtagal ah inuu usoo gudbo beerta
  5. Waa inu ahadaa mid ku haboon be’ada aad rabtid inaad ku abuurto.
  6. Waa inuu ahadaa abuur wax soo saar fiican leh.
  7. Waa inuu lahadaa awood iskaga difaaci kara cudurada iyo cayayaanka.
  8. Waa inuu lahada abood ku soobixikaro markuu helo biyo.
  9. Waa inuu kamarnadaa qashinka iyo dhegaxanta yar yar. Qodobadan iyo kuwa la midka ahiba waxa la gudboon in dadka beeraleyada ahi ay ogaadaan oo ku dadaalaan.

Cabdilaahi Nuur Maxamed

Leave a Reply