Layla C/laahi: Guulaystaha Koowaad Ee SLNA Ee Sanadkan 2020-ka

0
434

Burco (Dawan): Layla C/laahi, oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo degan dalka Ingiriiska ayaa ka mid noqotay guulaysateyaasha Somaliland National Award Price ee sanadkan.

Layla C/laahi, ayaa hore ugu caawisay gobolka Togdheer baabuur Unbalance ah, iyadoo imikana ku caawisay gobolka Togdheer qalab kale oo jidka ku soo jira.

Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo maanta uu  saaray ururka Somaliland National Award Price.

Waxaanu u dhignaa sidan: “Waxay ka soo Iibisay  kana soo dirtay Ingiriiska, waanu soo rarran yahay waliba, iyada oo markii hore u iibisay UNBALANCE PR BOX ahaa. Balse imika 4X4 UMBALANCE kale kalse u badashay xaga Xamuulka iyo xooga.

Muwaadinadani waxay ku wareejisay horaantii sanadka 2020-ka Xildhibaan Mubaarak Yuusuf Cilmi, oo ka mid ah hal-doorka ugu dar-darta badan gobolka togdheer”.

“Hadaba waxay noqonaysaa Layla,  qofkii ugu horeeyay ee u Hibeeyay gaadhiga UNBALANCE magaaladda Burco.

Layla Cabdilaahi,  oo dagan cariga ingiriiska ahna muxsinad madaasho ah oo tacab aan duugoobayn ku leh diiwanka daryeelka caafimaaska Burco iyo Somaliland ba.

Sidoo ale Layla, waxay sidaasi kaga mid tahay guulaysteyaasha qaran ee Somaliland SLNA PRIZE 2020-ka”.

Waxaa sharciga ugu muhiimsan ee Jimciyada SLNA Prize yahay Itaalkuu doono ha yeeshe qofka deegaamadda kala duwan ee dalka ku deeqa gaadhiga gurmadka Deg dega ah ee UNBALANCE in uu yahay Guulayste”.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply