Nin Quudiya Xaywaanada Albaabka Laga xidhay

0
573

Ganesh Kumar oo u dhashay dalka Hindiya ayaa wakhtigan isku hawlay inuu raashin siiyo Eyda suuqyada ku nool, kuwaasi oo u sheegay in markii makhaayadihii la xidhay dadkiina guryahooda ku xanibanmeen cudurka Crono-Virus awgeed ay gaajo ku qabsatay suuqyada cidlada noqday.

Kumar ayaa wakhtigii fiidkii 7:00  gurigiisa ka baxa isagoo wata gaadhigiisa waxaana uu quudiyaa Ey tiradooda lagu qiyaasay 150 , kuwaasi oo horeba ugu noola suuqa.

Waxaana uu sheegay masaafad dhan 35 Km ay ku qaadato inuu eydan goobahooda kala duwan ku gaadho.  Waxaana uu sheegay in shidaalka gaadhigiisa ay maalin kasta kaga baxdo lacag 600 rubi. Lacagtaasi anu waayin, isagoo aan hadda qorshe dhab ah u samayn. Wargeyska New Inida express oo arintan qoray ayaa intaasi ku daray in ninkani uu guri yar u sameeyay 17 Ey oo iyaga uu sheegay inay yihiin kuwo buka iyo kuwo yaryayr oo aan ku dhex noolaan karin kuwa waaweyn ee kale.

Leave a Reply