Faa’iidada Kalluunku u leeyahay Dadka Sooman Bisha Ramadaan

0
584

Kalluunka ayaa ah cuntooyinka hadiyo jeer ay dhakhaatiirtu kula taliyaan dadku inay isticmaalaan, iyadoo uu hormood ka yahay cunada ay ku yar waxyaabaha keena xanuunada xilliyadan kusoo batay bulshooyinka ku dhaqan waddamada ka hooseeya saxaraha.

Xilliga Ramadaanta ayaa ah xilli ay isbedelaan isticmaalka cuntada ay dadku cunaan, iyadoo uu soonku yahay tiirarka ugu muhiimsan Islaamka, waxaanay dadku isticmaalaan cuntooyin gaar ah, sida timirta iyo sharaabyada noocyadooda kala duwan, waxaana inta badan ay dhakhaartiirtu bulshada islaamka ah ka mamnuucaan xilliga Ramadaanta cuntooyinka dufanku ku badan yahay sida hilibka cas ee xoolaha, taasoo sababi karta in cilado dhinaca caloosha ah ay ku keenaan xilliga afurka, balse cuntooyinka hilibka cad sida kalluunka iyo digaaga.

Kalluunka ayaa ah cuno ay ku yar tahay waxyaabaha keena dufanka dhiigga, isla markaana ka hortaga xanuunada macaanka, dhiig-karka iyo wadne xanuunka, iyadoo xilliga Ramadaantana ay kacaan xanuuno badan oo ah kuwa loo yaqaan xanuunada aan la is-qaadsiin. (None Communicabale Deseases).

Haddaba sida lagu xaqiijiyay cilmi-dhaadhisyo badan oo ay sameeyeen jaamacadaha ugu waaweyn adduunka waxay ku sheegeen in kalluunku uu hormood u yahay cuntooyinka faa’iidada ugu badan u leh bani’aadamka, isla markaana ka hortag iyo dawoba u ah xanuunno badan oo bulshadeena ku badan waqtiyadan dambe.

Leave a Reply