Caqabadaha Xilliyadan Casriga ah soo Waajahaya Kalluumaysiga Adduunka

0
591

Adduunka casriga ahi waxa uu wataa caqabadihiisa nooc kasta oo ka mid ah wax soos saarka iyo shaqooyinka kala duwan ee guud ahaan caalamka. Haddaba waxaynu maanta kusoo qaadan doonaa qoramadeena Khayraadka baddaha caqabadaha xilliyadan dambe lasoo darsa kalluumaysiga caalamka.

  • Budhcadnimada kalluunka (Fish robbery)- kalluunka inta la qabsanayo iyo inta uu dib usoo kabanayo ee soo tarmayo (Restocking) waxa badan inta la qabsanayo ee la kalluumaysanayo. Sidaa darteed waxa la yidhaahdaa budhcadnimada kalluunku ama boobka kalluunku waa caqabada ugu weyn ee soo waajaha kalluumaysiga.
  • Kalluumaysiga xad-dhaafka ah (Over fishing) mushkiladan labaad waxay u dhawdahay caqbadaa hore oo iyaduna waxay sheegaysaa in tirada kalluunka ee la qabsanayaa ay aad uga badan tahay inta la tarminayo, kalluumaysiga xad-dhaafka ahi muddooyinkan dambe aad buu ugu badan caalamka, waana dabashada ama qabsashada kalluunka intii loo baahnaa, waxaana ugu wacan maraakiibta waaweyn ee kalluumaysiga ee adduunka oo marba marka ka dambaysa la sii casriyaynayo, lasii badaniyo, awoodda kalluumaysigooda iyo shabaagta ay ku qabanayaana la sii waaweynaynayo.
  • Iyadoo aan loo aabbo-yeelayn jilaabashadii (Indiscrimination of Immature fish) kalluunku wuxuu u kala baxaa kalluun waaweyn iyo kalluun dhalo ah, markaa shabaagta waxa jira qaar iyagu qabanaya xataa kalluunkii yaraa oo shabaagtaas qaar baa dalooladoodu ay aad iskugu dhaw yihiin oo xataa kalluunkii yar yaraa qabanaya, taasina waa caqabad kale oo soo waajahaysa kalluumaysiga caalamka. Markaa adduunka waxa la sameeyaa shabaag la isku waafaqay, kuwaasoo aan qaban kareyn kalluunka yar yar, isla markaana uu ka dhex bixi karayo, waayo daloolkii shabagga ayaa ah qiyaas loogu talogalay ah. qaabkan aan kalluumaysi ee aan kalluunka loo aabbo yeelayn waxa sameeya maraakiibta waaweyn ee isticmaala shabaagta waaweyn ee jariifka loo yaqaan, markaa qabsashada kalluunkii oo aan qaan-gaadhin waa caqabad soo waajahaysa kalluumaysiga adduunka.
  • Wasakhawga (Pollution) wasakhawga baddu waa caqabad kale oo xilliyadan casriga ah soo wajahaysa kalluumaysiga caalamka, sababtoo warshadihii ayaa wasakh badan kusoo daadinaya meelihii laga kalluumaysanayay ee biyihii badda, adduunkan maanta waxa hormarkiisa hagayaa waa warshadaha, kuwaasoo soo saara qashin aad u badan, qashinkaasna waxa lagu daadiyaa biyaha badda, taasina waxay wasakhaynaysaa dhibaatana u gaysanaysaa kalluunkii iyo noolihii kale ee ku noolaa biyaha badda dhexdooda.
  • Daadashada saliidda ama shiidaalka (Oil spills) caqabadaha kale ee soo waajahaya kalluumaysiga caalamka waxa ka mid daashada saliida ama shiidaalka ka data maraakiibta, waxaanay saliidaas ama shiidaalkaasi wasakhaynayaa biyihii badda, maraakiibta waaweyn ee adduunka ee shiidaalka qaada waxa la yidhaahdaa Taankar, maraakiibtaas waaweyn marrar qaarkood duufaanaa ku dhici kara oo ay rogman karaan, mararka qaar shilal bay galaan, si kastaba ha ahaatee shiidaalkaasi marka uu ka daato dhibaato ayuu u gaysanayaa noloshii badda ka jirtay, waxaanay dilaysaa kalluunkii, gaar ahaan kii yar yaraa iyo ugxantii, falaadhihii cadceedda ee gaadhi lahaa ayay ka xanibaysaa kalluunka, dhirta iyo noolaha kala duwan ee ku dhaqan xaga hoose badda. Waxa kale oo ku yaraanaya noolihii badda hawada saafiga ahayd ee ay helayeen.
  • Wasakhda ka dhalata qalabka kaaha sii daaya (Disposal radio active wastes) waxa ka mid ah qalabkan kaaha iyo raadhiyeeshanka sii daaya hubabka kala duwan ee waddamada caalamku samaystaan sida Nukliyeerka, qashinka waxyaabaha laga sameeyo hubabkaas kala duwan dhamaantood waxa lagu daadiyaa badda, markay badda galaan ee kalluunkiina la fal-galo oo dhirtii iyo guud ahaan noolihii badda oodhan saamayn taban ayuu ku yeelanayaa.
  • Kalluumaysiga sharci-darrada ah (Illegal fishing) markasta adduunka dalalka horumaray waxay boobaan kalluunka dalalka soo koraya, taasina waxay dhibaato dhabar-jab ah ku tahay dalalka uu dhaqaalehoodu hooseeyo, waayo ma haystaan ciidan u ilaaliya baddaha, waxaanay arrintani caam ka tahay waddamada Afrika oo waxa baddahooda ka kalluumaysta maraakiib waaweyn oo jariif ah oo ay leeyihiin waddamada horumaray.

Leave a Reply