Muwaadin Afur u Qaybiya Dadka qaba xannuunka Dhimirka ee Hargaysa ku Nool

0
638

Hareysa (Dawan) Muwaadin Maxamed Xuseen Jagac, oo kamid ah muwaadiniinta reer Somaliland ayaa qaar kamid ah dadka la nool xaNnuunka Dhimirka ee ku nool magaaladda Hargeysa u qaybiyey deeq afur ah.

Muwaadinkan oo Bisha Ramadan iska xil saara in uu dadkaas xannuunka Dhimirka la nool uu u qaybiye afur iyo casho ayaa maanta qaybiyey deeq afur ah oo uu ugu talo galay dadkaasi.

Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha Jimciyadda Sancaani Foundation ayaa ka warbixiyey deeqdan afurka ah ee uu dadkaasi u qaybiyey iyo waxyaalaha ku dhaliyey, waxaanu tilmaamay in maalintii ay xidhan yihiin hudheeladii ay ka cuni jireen cuntooyinku, sidaas darteedna uu habeenkii afurka ama cashada u qaybiyo dadkaas. “Waxaa igu dhaliyay wakhti wakhtiyadda ka mida aniga oo jooga London, ayaa waxaa dhacday waxaa ay aheyd maalin Kirismasa intaan maqnaaba waxaa aan ka fikiri jiray waar niyow hadii ay Ramadaan noqoto talow dadkii joogay waddankiini talow waa sidee xaladoodu?.

Waxaan idhi dadkan sooman ee masaakiinta ah maxaa wax loogu sameyn waayay, dariiqyada iyo suuqyada ayay ku dayacan yihiin, iyaga oo hore u dayacna ayay Ramadaan u soo gashay, meelihii ay iska xaab xaabi jireen ee ay biyaha ka cabi jireen, wixii ma jiraan qaarbaan cidiba xasuusan in ay cabaan iyo in an cunaan in kale, waayo bini’aadamkiu waxaa uu ka tamariya waa maskaxda, hadii qofku maanka iyo maskaxdu ka lumana meel alaale meel u u socdo qofkaasi la garan maayo, waayo noloshu waa maskaxda”

Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha Jimciyadda Sancaani Foundation waxaa uu ka sheekeeyay qiso aad u layaab badan oo uu la kulmay intii uu ku jiray hawshani samafalka ah “Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ahaa laba nin oo walaalo ah oo labaduba xannuusanayaan oo guri kuwada jira ayaan wax siin jiray, midba mid ayuu raashinka u soo doona, maalintii danbe ayaan qolkoodii ugu galay waad yaabeysa sida ILLAAHEY isu ogoleysiiyay, waanay xannuunsanayaan, waa walaalo, labaduba maskaxda ayay wax ka qabaan, dadkii walaalaha ahaa miyirka qabay ayaan sidaasi isu dhaqaaleyn”

Muwaadinkan ayaa usoo jeediyey bulsho weynta reer Somaliland, gaar ahaana ganacsatada iyo dadka maalqabeenka ah in ay gacan ka geystaan sidii loo kaalmayn lahaa dadka la nool xanuunka Dhimirka ee aan haysan cid wax tarta, lagana faa’iidaysto bisha barakaysan ee Ramadan “Waxaan ugu baaqilahaa dhammaan, haday tahay xukuumadda, ha noqoto maalqabeenada, ha noqoto culimadda, ha noqoto inta waxgaradka ah, inta ILLAAHEY qalbigooda naxariista ku riday, waxaan leeyaahy dhammaantiinba waa bishi kheyrka laheyd dadkani waa dadkeeni, dad leynoo soo waariday ama maraakiibi inoo keentay maaha, waa hebel oo aad taqaaneen oo shalay uun xannuusadday, waa walaalka waa walaasha, waa ehelkeeni waxaan leenahay yaan cidlo lagaga tagin bishan oo kaliya maaha intaan meesha ka kacno aan wax u qabano, xannuunba la sheegaya adduunka aafeeyay cudurkani la sheegayo waxaa ka daran dadkani dhibaatada ay qabaan, waayo damiirkoodii ayay waayeen, Covid-19 waaba laga bogsadaaye”

Sawirka Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha Jimciyadda Sancaani Foundation/xuquuqda sawirka Tv-ga Qaranka Somaliland

Leave a Reply