Daawo “Indhaha ayey Biyo Igaga Furmeen”Hooyo Canab Cumar Muxumed

0
912

Hargeysa (Dawan) – Hooyo Canab Cumar Muxumed, waxaa deganeyd dhinaca koonfureed ee aqalka madaxtooyada Somaliland, halkaasi oo ay ahaan jirtay safaraadii hore ee dalka Itoobiya.

Waxaa ay aheyd hooyo ku filan kafeynta nolosha qoyskeeda iyo qaraabadeeda.

Qarixii ka hacay magaalada Hargeysa 29 Oktoobar sanadkii 2008-dii, ayaa iyada oo raadineysa carruurteedii oo ka baxsaday ay la kulantay xubnaha bini’aadamka ee uu googooyay Qarixi, sida madaxa gacmaha iwm, intaasi kadibna ay miyir doorsoontay dhulkana ay ku dhacday, waxaana naxdintii ku soo booday xannuunada Macanka iyo Dhiikarka, waxaaney sheegtay in muddo shan sanadooda ay xannuun caafimaad la jiiftay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Awooda qoyskeedu waxaa uu kiu tiirsana iyada, waxaana Hooyo Canab markii ay jiibsatay ay weyday awoodii dhaqaale ee ay isaga bixin laheyd dawooyinka, mana fududa in muddo shan sano ah cisbitaal aad jiifto, islamarkaana aad iska bixiso adeegyada caafimaad ee uu cisbitaalku bixiyo, waxaaney xustay agaasimaha guud ee cisbitaalka iyo nin kale ay ka bixinayeen wixii adeeg bixin caafimaada ee la xidhiidha xaalada xannuunkeeda.

Hooyo Canab Cumar Muxumed, waxaa ay cisbitaalkii ka soo baxday sanadkii 2013 iyada oo caafimaadkeedu ka soo reynayo sidii hore, intaasi kadib waxaa ay weyday arageedi waxaanay biyo kaga furmeen labad indhood, cisbitaalada dhinaca arraga ayaa waxaa ay tilmaantay in ay ku xidheen lacag aanay awoodin oo aan jeebeedka ku jirin ku xigaalkeedana aan ku jirin.

Hooyadani imika marka ay dooneyso in ay meel gaadho waxaa kaxeeya carruurteeda.

Hadii aynu eegno dhanka nolosha saygeeda waxaa uu la daris yahay xannuun ragaadiyay, waxaana Beerka iyo Dhabarka kaga jira biyo, waxaana tiraba saddex jeer biyo laga shubay beerka, waxaaney dhakhaatiirtu u sheegeen in uu baahan yahay dhakhtar caafimaad oo dhinaca dibada ah oo aanu dhaqaale ahaan awoodin waxaanu iska fadhiya oo uu ku samray ILLAAHEY-na wuu sugaya.

Hooyo Canab waxaa ay sheegtay in ay nolosha Eyda oo kale ku nool yihiin dhab ahaantiina waxaa wax laga murugoodo “Nolosha Eyda ayaanu ku noolahay afur ma cuno, suxuur ma cuno, xannuunka Covid-19 ayaa isna saameyn gaara nagu yeeshay dadkii aanu bariska bisil ka soo qaadan jirnayna reerka aanu ku garaacnaba waxaa uu leeyahay maxaad rabtaan waxaad dooneysaan halkaasi ka sheegta, ama albaabadiiba nalagama furayo hablo yar yar ayaa dhar ii soo maydhi jiray waxaa la yidhi wax naloo maydhaya ma jiro oo xannuunba jira, saanbuuse hadii ay carruurtu dubi jireen iskuuladii ay geyn jireen waala xidhay, xannuuno ayaanu leenahay qofkii arkeyba arke xannuunku wuu gaajo badan yahay, wuu dhibaato badan yahay, wuu darxumo badan yahay, xabad kiniina ma helo, kiniinka madaxa hadii aad weydo ayay kugu daran tahay, marka dadkii na soo booqan jirnayna cidna imika nooma soo gasho ee ILLAAHEY iyo umaddayada ayaanu sugeynaa”

Hooyo Canab iyada oo ilmaneysa waxaa ay ka waran nolosha qoyskeedu hada ku sugan yahay”Waxaan doonaya in la i gargaaro, wax la i taro dad badan ayaan hayaa, aniga hormood u ahaan jiray oo u socon jiran ana waan idha beelay, Macaankii iyo Dhiikarkiina waa u ihayaa, dariiqa aan maro hadii aan laba jeer talaabsado waan dhacayaa, awood milihi, xigto malihi wax heysata, ehel ii dhaw oo wax itaraya, carruurta dharkii ciida uma hayo ay ku ciidi lahaayeen maalmaha kheyraad ee lawada faraxsan yahay, albaabada ayaa ii xidhan ee Somaliland iyo caalamul muslim heysoo gaadhaan”

Hooyo Canab iyada oo hadalkeeda sii wadata waxaa ay sheegtay in indhaha biyo kaga furmeen ay wadayna awood dhaqaale oo ay cisbitaalada dhinaca araga qaabilsan ay ku tagto, kuwii ay tagnayna ay lacag adag ku xidheen “Biyo ayaa indhaha igaga furmay, markii aan dhakhtaradeeni tageyna, Gaasbaan tagey, Galloolbaan tagey, Axmed Gabiley ayaan tagey, ku aanan marin ma jirto dhakhaatiirtii la yaqaaney ee caanka aheyd, dhakhtar walibana waxaa uu i leeyahay lacag badan keen, wax ILLAAHEY dartii wax igu qabanaya ma hayo qof walibana lacag keen ayuu i leeyahay, lacagna ma heysto 13-ka qof ayaanu nahay habeena waanu karsana habeena ma karsano”Ayey tidhi mar ay ka hadleysay biyaha indhaha kaga furmay iyo sida ay u weyday awood dhaqaale oo ay meel ku tagto

Gaba Gabadii

Cidii Hooyadan iyo qoyskeeda ILLAAHEY dartii u caawineysa, waxaa lagu jira dabayaadii bisha barkeysan ee Ramadaan ee hakala xidhaadhan telefoonka gacanta ee odeygeeda oo ah 0634418096.

Sidoo kale cidii u tageysa waxaa ay hada degan tahay dayrka ku soo jeeda Huteel Imprial, halkaasi oo ku xardhan tahay gidaarka dayrkaasi meherad laga cunaayo oo la yidhaaho Ceel Sheekh.

Mahadsanidin cidii uu soo gaadha ILLAAHEY dartii haw sii faafiyaan.

ALLAA MAHAD LEH

Leave a Reply