“Wax iska bedelay ma jiraan xiligii imtixaanka la qaadayay”…

0
427

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa shaacisay in aanay waxba iska bedelin wakhtigii ay hore u sheegeen in la qaadayo imtixaanadda shahaadiga ah ee fasaladda afraad ee sare iyo sideedaad ee dhexe.

Taasoo ka dhalatay kadib markii ay shalay guddiga heer qaran ee  ka hor taga Coronavirus ay sheegeen in la kordhiyay mudadda ay xidhnaaanayaan dhamaanba goobaha waxbarashadda dalka.

Wasiirka waxbarashadda Somaliland iyo Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, oo  maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in aanu go’aanka guddiga qaran ee Covid-19 waxba ka bedelaynin wakhtigii ay imtixaanadda shahaadiga ah la geliayay.

Halkan Ka Daawo Wasiirka Waxbarashadda iyo Guddoomiye Daa’uud Oo Arrimahaas Ka Warbixinaya:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply