Maxay Dadka Sigaarka Cabaa U Noqdeen Dadka Ugu Nugul Xanuunka COVID-19?

0
685

Cilmibaadhis ay dhowaan sameeyeen khubarro u dhashay wadanka Maraykanka ayaa lagu sheegay in dadka Sigaarka cabaa  ay noqdeen dadka ugu nugul xanuunka COVID-19, sidoo kalena daraasadan waxa lagu ogaaday in dadka inta ugu badan u dhintay ay yihiin dadka Sigaarka xooga u caba.

Natiijo hor dhac ah oo ay kooxdani soosaartay oo algu daabacay wargeyska  Developmental Cell oo arrimaha Caafimaadka iyo Saysniska ka warama, uuna qormadan kazoo xigtay wargeska Dawan ayaa lagu sheegay  in  dadka Sigaarka caba ay inta badan dhaawacyo kazoo gaadhaan Sambabada, taasina ay keentay in aanay u adkeysan Karin xanuunka Korona Fayras, isla markaana ay u dhinteen dadkii ugu badnaa.

Khubarradan ayaa tilmaamay in baadhitaan ay ku sameeyeen saddex kooxood oo uu ku dhacay xanuunka COVID-19 in laba kamid ahi ay noqdeen kuwo xaaladoodu aad u khatar  badan tahay, isla markaana markii ay baadhitaan dheeri ah ku sameeyeen ay ogaadeen in ay ahaayeen dadka Sigaarka sida xoogan u caba, waxaana hore sigaarku  dhaawacyo uga gaadhsiiyey Sambabada, taas oo keentay in  ay u adkaysan waayeen Sambabadoodu xanuunkan.

Xanuunka ayaa isla markiiba dal dalooliyey Sambabada dadkaas oo rag u badnaa, waxa iyaguan jiray Dumar badan oo kuwa Shiishada caba ah, kuwaas oo cisbitaaladda ugu geeryooday xanuunka COVID-19, waxa ay sidoo kale tilmaameen kooxdani in kooxdii labaad ee ay baadhitaanka ku sameeyeen ay ahaayeen koox aan sigaarka cabin, isla markaana ka bogsaday xanuunkan.

 

 

Leave a Reply