Shirkadda Kitty Hawk Oo Tijaabisay Diyaaradeedii Ugu Horeysey Iskeed Isu Waday.

0
650

Shiradda Kitty Hawk ayaa tijaabisay  diyaaraddeedii ugu horeysay oo ah nooca iskeed isu wada, waxaana lagu magcaabaa diyaaraddaasi Cora , iyada oo dhowaan uun la qaabeeyey samayska diyaaradaasi iyo siday u ekaan doonto.

Diyaaraddan Cora ayaa loogu talo galay in loo isticmaalo sida tagsiga oo kale, lagana kireeyo dadka doonaaya inay goobaha fog fog gaadhaan, gaar ahaana dadka sida deg dega ah u baxaaya.

Diyaaraddan ayaa awood u leh inay joog hoose iyo mid sareba ku duusho, waxa kale oo ay awood u lee dahay in ay qaado 2 qof oo rakaab ah, waxaanay duuli kartaa ilaa 100km, iyada oo loo buuxinaayo Beytariga ku jira diyaaraddaasi, waxaanay awood u lee dahay inay xawaare sare ku duusho 150 ilaa 180 km/saacaddiiba.

Shirkaddan oo laga lee yahay wadanka New Zealand  ayaa la rajaynayaa in dhowaan la siiyo sharciga ogolaanshaha sida lagu daabacay wargeyska New Times oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan qormadan.

Waxaanay  diyaaraddani noqon doontaa mid aan waxyeelo soo gaadhsiinayn degaanka, iyada oo yaraynaysa qiiqii badnaa ee gawaadhigu kusii deyn jireen hawada , taas oo qayb ka ah hawo gediga ku dhacay cimiladda adduunka.

 

Leave a Reply