Haweenay Maskaxdeeda Uu Dhiig Fadhiistay, Kadib Markii Ay Taleefankeeda Gacanta Isticmaashay 20 Saacadood Oo Xidhiidh Ah.

0
671

Gabadh u dhalatay wadanka Chine ayaa maskaxdeeda uu dhiig xinjiro ahi fadhiistay, kadib markii  ay isticmaalaysay Taleefankeeda Gacanta muddo 20 saacadood ah oo xidhiidh ah , waqtigaasi oo ay ku jirtay safar tareen.

Gabadhan oo da’deedu tahay 47 sanno jir  ayaa fasax ay gashay ku doonaysay  in ay ku tagto magaaladeedii  oo ku taala gobolka Henan Province  , waxaanay  ku socotay  magaalada Koonfurta Shiinaha ku taala ee Guangzhou, waxaanay gabadhani doonaysay in ay waqtiga iskaga lumiso intay safarka ku jirto.

Wargeyska lagu magcaabo South Chine Morning Post oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay ayaa sheegay  in uu tareenku gabadhan cidhiidh ku noqday, taasina ay keentay in gabadhani mudada intaas le’eg ku qaadato Mobile-keeda gacanta , madaama oo aanay jirin meel ay seexato ama isku kala bixiso oo ay ku jimicsataa.

Gabadhan ayaa si kedis ah u xanuunsatay, iyada oo uu madaxu xanuunay, waxaana markiiba loola cararay dhakhtarka ama cisbitaalka, halkaas oo la saaray Koombiyuutarka lagu baadho madaxa , iyada oo  markii la saaray CT Scan-ka la ogaadey in ay jiraan xinjiro fadhiya maskaxda .

Dhakhaatiirta ayaa si deg deg ah u bilaabay inay kala fur furaan dhiigaasi oo xidhay xididada maskaxda  ee halbawleyaasha ah,  waxaanay ku guulaysteen in ay ka dhigaan xididadaasi kuwo shaqaynaaya .

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in ay ka saareen dhiigaasi xinjirihii ku gufaysmay  xididada, sidoo kalena ay gabadhani waqtigan tahay gabadh caafimaad qabta , aanu caafimaadkeedu wanaagsan yahay.

 

 

Leave a Reply