Dagaalkii Libaaxyadu Ka Qayb Galeen!

0
1511

Wakhtigii ay goobta dagaalku ka dhici lahaa isgu yimaadeen labada Ciidan ee Muslimiinta iyo Ciidankii Boqortooyadii Furus, ayay Muslmiintu ogaadeen in ciidanka Furus ay wataan libaax loo soo tababaray la dagaalanka raga.!

Waxaana ay usoo jeediyeen Libaax dhinaca Muslimiinta isagoo aad u ciyaya oo ilkaha iyo afka aad u kala qaadaya , isla markaana abuuraya cabsi gelin weyn, goolaaftan xooggan muujinaya.  Waxaana ay soo joojiyaan goobta dagaalka iyagoo doonaya inuu u soo baxao ninkii libaaxan la dagaalami lahaa.

Isla markiiba ciidanka muslimiinta waxa ka soo dhex baxay nin leh Wadnaha libaaxa. Waxaana uu si geesinimo leh ugu degdegay iagoo hubkiisa iyo awoodiisa iimaanka ah ku gaashaamaan goobta labada ciidan u dhaxaysa ee llibaaxa lagu diyaariyay.  Waxay ahayd wakhti labada ciidan cabsi xoogani ku gedaaman tahay, waxaana is haleelay libaaxi iyo geesigii ka socday muslimiinta. Sidee ayuu nin Libaax xoog weyn oo diyaar u ah dagaal ugu dhiiran karaa?

Dagaalkii Libaaxa iyo geesiga ayaa bilowday.  Labada ciidana waxa ay u daawanayeen si yaab iyo naxdin ka buuxdo.  Waxa uu ahaa nin ay laabtiisa ka buuxdo Iimaan iyo kalsoonida diintiisa. Markii uu libaaxu ku soo booday waa uu adeegsaday hubkiisa isagoo dooxay, dhowr jeer ku celceliyay , isla markiibana waa u dhacay oo dhintay libaaxi.  Qalbiyada ciidankii Furus markii ay arkeen libaaxa oo dhintay waxa qalbiyadooda ka buuxsamay cabsi iyagoo is weydiiyay sida looga adkaan karo rag libaaxa, nikoodii qudhi ahi uu dilayo. Maalintaasi Muslimiintu waxay ku jebiyeen Furus dhulkoodii.   Geesigaasi waxa lagu magacaabi jiray  Hashaam Binu Cutba Binu Abii Waqaa. Waxaana lagu naanyso jiray “ Dilaaga libaaxyada.  “Islamweb.net”

 

Leave a Reply