Somaliland -Go’aamo Adag oo la Dul Dhigay Hay’addaha ka Hawl-gala Gudaha Waddanka

0
557

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka wasaraadda qorshaynta iyo horumarinta qaranka ayaa golaha golaha wasiirada uga warbixiyey in Somaliland ay ka socdaan mashaariic ay wadaan hay’adaha caalamiga ah, waxana uu tilmaamay inay jiraan hay’addo dalka si dhuumaalaysiya isugu daya inay ka fuliyaan mashaariic uu ku lammaan yahay magaca Soomaaliya, taasoo xad gudub ku ah qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland dood dheer ka yeesheen qaabka loo wajahayo hirgalinta guud ahaan mashaariicda laga fulinayo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay ay go’amiyeen.

• In ay reebban tahay in hay’ad aan dalka ka diiwaan gashanayni ay mashaariic ka fuliso gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

• Waxa Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka la faray in ay diiwaan galiso dhammaan mashaariicda dalka ka socda isla markaasna ay hubiso inay waafaqsan yihiin shuruucda iyo habraacyada u degsan Jamhuuriyadda Somaliland.

• Dhamman Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda waxa la faray in aanay aqbalin fulinta mashruuc aan waafaqsanayn sharciga iyo habraacyada dalka Jamhuuriyadda Somaliland u degsan.

• Golaha Wasiiradu waxa uu go’aamiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qeyb geli karto oo keliya shirarka lagu soo marti-qaado iyadoo ah qaran madax-bannaan oo aan cidna ku lammaanayn.

 

Leave a Reply