Danyeero Xaday Dhiig Laga Soo Qaaday Dad Uu Ku Dhacay Xanuunka COVID-19.

0
969

Kooxo daanyeero ah ayaa weerar ku qaaday gaadhi ay saarnaayeen kooxo kamid ah kooxaha caafimaadka ee dalka Hindiya , kuwaas oo mid kamid ah goboladda dalkaasi kasoo qaaday Dhiig ay doonayeen in ay baadhitaan ku sameeyaan, kadib markii ay dhiigaas kasoo qaadeen dad looga shakiyey in uu ku dhacay xanuunka COVID19.

Gaadhigan  iyo kooxda la socotay ayaa  maraayey meel u dhow xarunta barashada caafimaadka ee Meerut Medical College oo lagu baadhi lahaa dhiigan, waxaanu College-kani ku yaalla  degaanka Lucknow ee gobolka Uttar Pradesh .

Sida lagu daabacay wakaaladda wararka ee Reuters oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay , kooxdan daanyeeradda ah ayaa qaatay qaybo badan oo kamid ah dhiigaasi, kadib markii ay dhinacyadda kaga yimaadeen gaadhigii lagu siday dhiiga, sidoo kalena qaar kamid ah shaqaalihii caafimaadka ayaa iyaguna kaymaha degaankaas ku kala lumay, iyada oo aan qaarkood la hayn.

Masuuliyiinta Jaamacadda ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in uu Daanyeerkani Dhiigan cabo, isla markaana uu noqdo mid xanuunkaasi sida, haddii dhiigani uu ahaa mid xanuunkani ku jiro.

 

Leave a Reply