Gabadh 5 Sanno Jir Ah Oo U Dhimatay Dhiig Ay Cabtay .

0
648

Gabadh yar oo 5 sanno jir ah ayaa u geeryootay dhiig ay cabtay, waxa sidoo kale cisbitaalka la dhigay gabadh kale oo 7 sanno jir ah iyo qoyskeedii , kadib markii ay iyaguan dhiigaas cabeen wadanka Dominican Republic.

Dhiigan ayay qoyskan siisay gabadh Musixirad ah ama dadkan Fooxiya ah, waxaanay u sheegtay in ay kaga badbaadi doonaan xanuunka Corona Fayras, sida dhakhaatiirtu sheegeen, iyada oo dhiigani ahaa dhiig Diin.

Gabadhan yar ee 5 sanno jirka ah ayaa dhimatay markii la gaadhsiiyey cisbitaalka Rosa Duarte Hospital  , sida lagu dabacay wargeyska Daily Star oo uu wargeyska Dawan kasoo xigtay qormadan , waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen in qoyska inantan yari ladan yihiin, xaaladooduna degan tahay hadda.

“ xaaladdaha noocan ah oo ay dadka qaar sameeyaan waa kuwo khatar gelin kara noloshooda,waanay u dhiman karaan “. Ayuu yidhi  Dhaiana Volkies.

 

Leave a Reply