Islaan U Dhalatay Dalka Chile Ayaa Noqotay Qofkii Ugu Weynaa Ee Ka Bogsada Xanuunka COVID-19.

0
660

Islaan 111 sanno jir ah oo  ku nool wadanka Chile ayaa noqotay qofkii ugu weynaa ee ka bogsada xanuunka faraha baas ku haya caalamka ee COVID-19, waxaanay in muddo ah islaantani u taaley xanuunkan gurigeeda oo lagu daweynaayey.

Sida lagu  sheegay warbixin kooban oo lagu daabacay wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska kasoo baxa oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan , islaantan ayaa lagu magacaabaa Juana Zuniga, waxaanay ku nooshahay caasimada dalkaasi ee Santiago, waxa islaantan gurigeeda ku dabiibi jirtay gabadh Nurse ah ama kalkaaliso ah, taas oo waqtiyo badan ka warhayn jirtay , waxaanay islaantu si fudud uga soo kabatay xanuunkan oo kaga dhacay qaybaha Neef mareenka , laakiin ma ahayn qof xanuuno hore lahaa, sida kooxaha caafimaadku sheegeen.

Gabadha Kalkaalisada ah ee gacanta ku haysay Islaantan oo lagu magacaabo Maria Baz Sordo ayaa sheegtay in ay islaantani gurigeeda ku xanuunsanaysay 28 cisho , waxaanay xanuunkan ka bogsatay 10-kii bisha May, iyada oo noqotay qofkii ugu weynaa ee Xanuunkan ka kaca.

Islaantan Branias ayaa ku dhalatay San Francisco oo kamid ah dalka Maraykanka, waxaanay dhalatay 4 March 1907-dii, iyada oo ku noolayd halkaas  xiligii uu caalamka dadka badan ka laayey Duraygii la odhan jiray Spanish Flu-ga sannadihii 1918-kii ilaa 1919-kii, waxaanu duraygaais dilay dad lagu qiyaasay 50 Milyan oo qof.

 

Leave a Reply