Khubarro Ka Socota Jaamacadda South Denmark University Oo Wada Qorshe Ay Ku Samaynayaan Robot Loogu Talo Galay Inuu Dadka Coron-nuhu Hayo Baadho.

0
586

Khubarro ka tirsan jaamacadda University of South Denmark ayaa wada qorshe ay ku samaynayaan Robot loogu talo galay in lagu baadho dhiiga dadka looga shakiyo in ay qabaan xanuunka COVID-19.

Sida lagu sheegay warbixin kooban oo lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan  waxa uu qalabkan Robot-ka ahi qaadi doonaa dhiigaga, sidoo kalena dheecaanada afka iyo sanka ayuu ka qaadi doonaa dadka looga shakiyo in ay qabaan xanuunka COVID-19.

Robot-kan ayaa la filayaa in uu wax weyn ka tari doono ilaalinta caafimaadka shaqaalaha ka shaqeeya goobaha caafimaadka ee cisbitaaladda ah, kuwaas oo khatar badan ugu jira in ay si fudud u qaadaan xanuunka COVID-19 .

Qalabkan Robot-ka ah waxa ikhtiraacay  Professor Tossius Rajith Safarimuthu oo kamid ah kuuliyadda Technology-ga ee Jaamacaddaasi, waxaanu qalabkan nashqadiisa kusoo bandhigay gudaha jaamacaddaasi, isaga oo khudbad u jeedinaayey kooxo kamid ah ardayda caafimaadka ee jaamacaddaas wax ka barata, waxaanu sheegay in ay dhowaan qalabkan soo saari doonaan, haddana uu samayskiisu socdo, isla markaana ay tijaabin doonaan.

Waxa qalabkan samayntiisa kala shaqaynaaya  koox cilmibaadheyaal ah oo ka socotay Jaamacadda Odense  University Hospital oo ah jaamacad lagu barto arrimaha caafimaadka iyo Technology-yada, waxaana kooxdan u hadlay masuul lagu magacaabo Kim Brixen oo sheegay in uu Robot-kani qaban karo shaqooyin badan, isla markaana aanu daalayn, isla markaana aanu xanuunsanayn inta hawlahan uu ku jiro.

 

Leave a Reply