Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo laga helay COvid19

0
538

Hargeysa-(Dawan)- Wasiirada Wasaaraddaha Isgaadhsiinta iyo Maalgashiga , Cabdiweli Cabdilaahi Suufi iyo Maxamed Axmed Cawad ayaa xaqiijiyey in laga helay cudurka Safmarka ah ee COVID19 kaasi oo si xawliya ugusii fidaaya gudaha Somaliland .

Wasiirka Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland, Maxamed Axmed Cawed ayaa Xalay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay in Xanuunka laga helay, balse Xaaladdiisa Caafimaad wanaagsan tahay.

Wasiirku wuxuu sheegay in baadhitaan lagu sameeyay ka dib la xaqiijiyey inuu qabo Xanuunka Covid_19, laakiin Xilligan uu Caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda boosaha iyo Isgaadhsiinta , Cabdiweli Cabdilaahi Suufi ayaa xaqiijiyey in laga helay cudurka safmarka ah ee Covid19 .

“Anigoo oo ka duulaya mas’uuliyadda iga saaran badqabka iyo caafimaadka qoyskeyga iyo ka bulshada aan xila u hayo waxa aan si iskay ah (Personal) isaga baadhay Caabuqa COVID-19, kadib markii aan iska shakiyay, baadhitaankaa oo natiijadiisu noqotay ‘Positive’.
Ujeeddada ugu weyn ee aan isku baadhay waa in aan qayb ka noqdo dadaalka lagaga hortagayo Covid-19 islamarkaana lagu xakamaynayo faafida xanuunkani ku faafayo bulshada dhexdeeda siiba dadka u nugul oo ay ka mid yihiin dadka waaweyn iyo dadka qaba xanuunada lala noolaado oo uu Covid-19 khatar ku yahay.
Markii aan ogaaday natiihada waxa aan islamarkiiba baadhitaan aan ku sameeyey xubnihii qoyskeyga iyo shaqaalaha Wasaaradda oo jawaabta aanu sugayno.
Imika caafimaadkaygu aad ayuu u fiican yahay, shaqadii aan qaranka u hayayna guriga ayaan ka soo shaqeeya, iyada oo aan qayb guriga ka mid ah isku Karantiimay muddo 14 maalmood ah sida dhakhaatiirtu igula taliyeen” ayuu ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook.

 

labadan Masuul ayaa noqonayaa kiwii ugu horeeyey ee si iskooda ah u soo bandhiga in laga helay cudurka Safmarka ah ee Covid19.

Leave a Reply