Nafis Net Work Oo Walaac Ka Muujisay Gudniinka Hablaha Oo Kordhay

0
506

Hargaysa (Dawan): Daladda la dagaalanka Gudniinka Hablaha ee magaceedda loo soo gaabiyo Nafis Net Work ayaa walaac ka muujiyay in uu kor u kacay Gudniinku mudadii uu socday caabuqa Corona Virus.

Waxaanay sheegeen inuu sii laba jibarmay Gudniinka habluhu intii lagu jiray xaaladda Covid-19 ee dugsiyadda iyo goobaha waxbarashadda dalka la safaxay.

Somaliland ay ka mid tahay wadamadda safka hore kaga jira ee weli laga isticmaalo Gudniinka Fircooniga ah, inkastoo ay hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba ay ku dedaalayaan sidii loo joojin lahaa arrintaasi.

Sidaasina waxaa shaacisay guddoomiyaha daladda Nafis Net Work Khadra Cumar Xasan, oo manta warbaahinta kula hadashay xafiiska daladaasi ee magaaladda Hargaysa.

Waxaanay tidhi, “Somaliland waxay safka hore kaga jirtaa wadamadda sameeya Gudniinka Fircooniga ah ee Hablaha. Waxaana lagu qiyaasaa in in ka badan 99% la guddo Hablaha.

65% ka mida Hablahaasi waxa lagu Gudaa, nooca Fircooniga ah ee ugu dhibka badan. Da’da lagu Gudo Hablaha waxay u dhaxaysaa, inta u dhaxaysa 8 sanno jir ilaa 12 sanno jir.

Dedaallo badan ayay wadaan ururadda maxaliga ah, kuwa calamiga ah, qaramadda midoobay iyo wasaarradaha ay khusayo, si loo tir-tirro Gudniinka Hablaha, loo na hello sharci joojiya”.

Khadra Cumar Xasan, ayaa tilmaantay inuu si aad ah sare ugu kacay Gudniinka Habluhu intii uu dalka ka jiray caabuqa Corona Virus. “Intii lagu jiray xiligan adage e xanuunka saf-marka ah ee Covid-19, la na xidhay dugsiyadda iyo mederasadaha, waxaa laba jibaarmay si aad ahna sare ugu kacay Gudniinka Hablaha.

Taasoo ay waalidiin badan uga faa’iidaysteen in ay gudan Hablahoodda, kuwo kale-na waxay Hablahoodii geeyeen Miyi.

Si kasta ha ahaatee, Gudniinka Hablaha ee sida xad-dhaafka ah u kordhaya waa xaalad walaac weyn ku abuurtay ururadda bulshadda rayidka ah iyo daneeyeyaasha kala duwan, xiligan dedalka adag loogu jiro ka hor taga xanuunka Covid-19” ayay tidhi guddoomiyaha daladda Nafis Net Work.

Geesta kale guddoomiyaha dalladda Nafis ayaa sheegtay in ay bilaabeen ol’ole wacyigelineed oo la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadan Gudniinka ee soo laba kaclaysay.

Waxanay tidhi, “Hadaba dalladda Nafis Net Work oo kaashanaysa hay’adaha ay wada sahqaynta leeyihiin, waxay bilawday wacyigelin Gudniinka Hablaha ah.

Sodon sanadood ka hor ayaynu soo bilawnay wacyigelintani oo ay soo wadnay in aynu wax ka qabano, ma maanta ayaynu dib ugu noqonay halkii aynu sodon sanadood ka hor ka soo dhaqaaqnay, oo aynu Hablaheenii dib u jar-jarnay.

Ugu danbayn Khadra Cumar Xasan, ayaa baaq u dirtay waalidiinta oo ay ka dalbatay in ay ka qayb qaataan joojinta Gudniinka.

“Hadaba, waalid maxaa kula gudboon? Waa in aad ka qayb qaadataa joojinta Gudniinka Hablaha. Bulsho ahaan waa masuuliyad ina wada saaran ilaalinta iyo bad-baadinta Hablaheena.

Waxaanu cod dheer iyo mid gaaban-ba ugu baaqaynaa bulshadda reer Somaliland in ay joojiyaan Gudniinka Hablaha, bad-badiyaa-na Hablaheena” ayay hadalkeeda ku soo gabagabaysay marwo Khadra.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply