Xuquuqda Cashuur Bixiyaha?W/Q. Maxamed Cabbi Haybe

0
597

Salaan kadib akhirtow sida aynu wada ognahay waddan kasta oo kamida adduunka aynu ku nool nahay bulshadiisu cashuur ayey bixiyaan si adeeg loogu qabto.

Cashuurta waxa loo bixiyaa si loogu horumariyo magaalada aad ka soo jeedo iyo guud ahaan waddanka oo dhan.

Hadaba cashuurtu waa maxay? Imisa ayey se u kala baxdaa?

Cashuurt waa lacag laga qaado qofkasta oo bulshada ka mida si adeeg loogu qabto.

Waxaanay u kala baxdaa:

  1. cashuurta guryaha laga qaado waxana ku jira adeegyo kala duwan sida (hagaajinta wadooyinka, iftiiminta wadooyinka, nabadgelyada xaafadah, nadaafadda xaafadda, waxbarashada caruurta ilaa heer dugsi sare) wadamada qaar waxa ku jira biyaha iyo caafimaadka.

2.cashuurta gaanacsatada oo ka kooban laba qaybood a) midi waa cashuurta sannad laha ah ,lacagta laga qaadana waxay la mid tahay ta guryaha inkastoo qiimaheedu ka sareeyo.

b) midna waxa loo yaqaanaa macaashal macaash, taasina waxa weeye faa iidada qofka ganacsadaha ah ayaa percentage laga qaadayaa. Cashuurtan wax lagu kabaaa dhismayaasha dugsiyada, hospitalada, ambulansyada iyo gawaadhida ciidamada policeka oo ah wixii u baahan in la hagaajiyo sid kuwa xumaada ama lagu bedelo qaar cusub iyo sidoo kale gargaarka degdega sida (ambulance, dabdemis iyo policeka)

  1. cashuurta wado marista wax weeyaan muhiimadeedu waddooyin hagaagsan iyo iftiinkooda (nalalka)

Wax kale oo ku jirta caawinta traffic policeka.

  1. Cashuuraha laga qaado waxkasta oo ka soo galaya waddanka airportada, dekedaha iyo xuduudaha aan wadamada kale la leenahay,

cashuurahaa la qaado waxa ku jira adeega nabadgelyada sida barriga, badda iyo cirka ( military , navy iyo airforce) waxa kale oo soo raacayaa dhamman shaqaalaha kala duwan ee dawladda mushaharaadkooda.

haddaba muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan meesha ay ku baxayso cashuurta laga qaado .

waxaas oo cashuur ah ee aynu kor kusoo sheegnay marka laga qaado qofkii muwaadinka ahaa ama ganacsadaa ahaa ee haddana aanu haysan wado hagaagsan ,iftiin ,nadaafad iyo amni xaafada dhexdooda. Sideed u aragtaa? Ama kuula muuqtaa?

Gabagabadii waxaan ku talin lahaa in:

Muwaadiniintu ay bixiyaan wixii xaq loogu leeyahay ee cashuuura, iyaguna ay helaan adeegii ay u baahayeen ee ay lacagta ku bixiyeen.

Arintasina waxay u fiican tahay bilicda dalkeena iyo horumarkiisa guud ahaan.

Wabilaahi towfiiq

MAXAMED CABBI HAYBE MAXAMED

HARGEISA , SOMALILAND

Leave a Reply