Waxa Uu Noolaa sida Saboolka!

0
415

Ingvar Kamprad wuxuu ku dhashay dalka Sweden waxaana maanta uu noqday qofka labaad ee ugu taajirsan dalalka Yurub. Ingvar wuxu ganacsiga bilaabay isagoo yar, ka dib markii uu ka iibiyay baaskiiladiisa ay qoys jaar ahaayeen waana halka uu ka bilaabay.

Ingvar wuxu asaasay shirkadda IKEA oo xarunteedu tahay magalada Stockhom oo ganacsi kala duwan samaysay sida qalabka guriga lagu qurxiyo, fadhiyada iyo kuwa lagu isticmaalo madbakha.

Ninkan oo maanta ah ninka labaad ee Yurub ugu taajirsan , dunidana noqday kan afaraad ayaa haddana isticmaala oo weli xidha dharka jaban ee dadkii lahaa ay isticmaaleen ee loo yaqaan huudhayd ( Who died) weligiina ma iibsan dhar cusub.

Ingvar ayaa sheegay in sababta taasi uu istcimaalaa ay tahay inuu kaydiyo lacag badan. Maxaa igu kelifaya inaan xidho shaadh ama surwaal qaali anigoo helaya isagoo qiima jaban ah oo hal mar keliya la istcimaalay ayuu yidhi mar uu jawaab siinaya kooxo sababta wedyiiyay.

Weriye weydiiyay inuu xiiseeyo dharkan mustacmalka iyo inay bakhaylnimo ka tahay ayuu ugu jawaabay “ haddii anaan xiiso u qabin maxaan uu iibsada, maaha bakhalynimo waa maaraynta maaliyadayda!. Laakiin odaygan ayaa dhintay sanadkii hore 2018  bishii Janaweri  27-keedii isagoo 91 sano ay da’diisu gaadhay. Waxa uu ahaa qof muuqaal ahaan aan loo qaadan Karin inuu maalqabeen caalami yahay. Hantida u diiwaan gashan aya gaadhaysay markii uu dhintay  lacag dhan 38.3 Billion doller.

 

Leave a Reply