Cisbitaalka Laascaanood oo lagu qalabayn doono lacag ka badan $1.5 Milyan Dollar

0
435

Qore. Saleeban Kalshaale

Laascaanood(Dawan)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyada Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koore oo ay weheliyaan, xildhibaano ka tirsan goleyaasha Baarlamanka, maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Sool iyo sidoo kale gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ee gobolkaasi, ayaa warbixin ka dhagaystay bahda caafimaadka ee gobolka Sool, kulan lagu qabtay Cisbitaalka Magaalada Laascaanood.

Wasiirka Wasaaradda Wafaafinta oo shirkaasi ka hadlay, kaddib dhegeysiga warbixinta masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegay in Cisbitaalka Laascaanood lagu qalabayn doono lacag ka badan $1.5 Milyan Dollar bilaha soo socda , taasoo qayb ka ah qorsheyaasha horumarinta adeegyada ee xuumadda, iyadoo ay warkaasi si weyn u soo dhaweeyey masuuliyiinta dawladda ee gobolka iyo madaxda asxaabta mucaaridka ee madasha ku sugnaa.
Geesta kale, waxa uu Wasiirku si weyn u soo dhaweeyey warbixinta laga siiyey xaalada adeegyada Caafimaadka ee Gobolka, gaar ahaan horumarka cisbitaalka laascaanood oo uu ku tilmaamay mid baarka la dhaafay cisbitaaladda ugu waaweyn wadanka, isagoo halkaasina ka balan qaaday baahiyaha deg deg ah ee looga baahan yahay wakhtigan Cisbitaalada gobolka, khaasatan gaadiidka gurmadka deg deg ah oo kamid ah waxyaabaha ay masuuliyiinta caafimaadku ku soo gudbiyeen warbixintooda.

“codsigiina anigoo guddidii Covid19 ka wakiil ah, Mishiin Biyo macaan sameeya iyo Ambulance in gobolku helo iyo deegaamadiisuba, iyadoo sida ay u kala daran yihiin ay u soo kala horaynayaan waa muhiim”ayuu yidhi Wasiirku.
Mudane, Saleeban Yusuf Cali Koore isagoo hadalkiisa sii wata waxa daboolka ka qaaday “Cisbitaalkan hal milyan iyo badh lacag ka badanbaa lagu qalabaynayaa saddexda bilood ee soo socda ama afarta bilood ee soo socda..Somaliland ha noolaato..Somaliland ha noolaato”ayuu kaga dhawaaaqay Wasiirku madasha kulanku ka dhacay, isagoo dhanka kale halkaasi shahaado-sharaf ku guddoonsiiyey Agaasimaha Cisbitaalka Laascaanood iyo Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Sool oo lagu maamusay Karti iyo shaqo-wanaag.

Dhanka kale, Isu duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif oo furitaankii shirka ka warbixiyey xaaladda caafimaad ee gobolka, ayaa sheegay “Cisbitaalka degmada Laascaanood hadda dhisme ahaan wuxuu kamid yahay Cisbitaallada ugu fiican Somaliland.”
Agaasimaha Cisbitaalkaasi Drs. Fahima Jaamac Kosofaare, ayaa iyaduna tilmaantay “todoba dhisme oo kaliya ayuu ahaa maalintaan la wareegay Cisbitaalka, maantana waa cisbitaalkii ugu weynaa laga sameeyo gobolka Sool, oo meel walba nalooga yimaado, tuulo ilaa Miyi. Hadh iyo habeen dhexdaan u xidhnahay. si aan bina-aadam u shaqayn ayaan u shaqeeyaa”ayey tidhi Drs. Fahiima.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay in wax lagu faanno ay tahay horumarka dhanka adeegyada caafimaadka ee gobolka Sool, isagoo intaasi raaciyey “mar walba oo aanu nimaadno Drs. Fihima waxaanu guddoonsiin jirnay shahaado-sharaf, maantana waanu sidnaa”.

Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo Maayirka Degmada Laascaanood oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa amaan u jeediyey masuuliyiinta hogaaminaya adeegyada caafimaadka gobolka, waxaanu guddoomiye Jiidhe intaasi ku daray in mid kamida ganacsatada gobolka degeni uu mishiin nooca neefta sameeya ah u soo iibinayo Cisbitaalka, kaasoo qayb ka noqon doona agabka lagula tacaalayo cudurka Corona Virus.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee gobolka Sool, ayaa dhankooda soo dhaweeyey dedaalka loogu jiro horumarinta caafimaadka gobolka sool, iyagoo xukuumadda iyo maaamulka gobolkaba ku amaanay arrintaasi.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, waxa uu agabka ka-hortagga cudurka Covid19 ku wareejiyey masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee gobolkaasi, agabkaasi oo qayb ka ah taakulada guddida heer qaran u kala direen gobolada dalka

Leave a Reply