Madaxweynaha Dalka Burundi oo geeriyooday

0
585

Madaxweynihii dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa geeriyooday kaddib markii uu wandanaha istaagay. War qoraal ah oo oo ay dowladda Burundi soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa lagu xaqiijiyay geeridiisa lama filaanka ah.

“Dowladda Jamhuuriyadda Burundi waxay si murugo leh u shaacineysaa geerida lama filaanka ah ee ku timid Pierre Nkurunziza, madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi, oo ku dhintay isbitaalka Karusi Fiftieth Anniversary, kaddib markii uu wadnbaha istaagay 8-dii bishan June, 2020-ka”, ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

Wuxuu ahaa 55 sano jir. Sannadkii 2015-kii wuxuu ku guuleystay doorasho lagu murmay oo dhiig uu ku daatay.

Leave a Reply