Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Laascaanood

0
898

Laascaanood (Dawan): Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Weftiga wasiirka waxaa ku wehelinaya agaasimaha guud ee madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile.

Waxaana soo dhawaynta wasiirka ka qayb qaatay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, salaadiin, cuqaal, waxgarad, odayaal iyo dadweynaha magaaladda Laascaanood.

Maayarka Laascaanood iyo badhasaabka Sool, oo iyagna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay ay muujinayso  taageeradda weyn ee ay bulshadda gobolka Sool u hayaan wasiirka.

odayaashii iyo madax dhaqameedkii wasiirka soo dhaweeyay ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin imaatinkiisa, isla markaana ay muddo badan sugayeen.

Geesta kale Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo la hadlay dadkii soo dhaweeyay ayaa uga mahad naqay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisaba.

Waxaanu tilmaamay in u jeedadda socdaalkiisu ay la xidhiidho danaha iyo horumarinta gobolka Sool.

Halkan Ka Daawo Soo Dhawaynta Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Laascaanood:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply