Roob Duufaan iyo Dabeylo wata oo ka Da’ay degmada Lughaya

0
778

Lughaya (Dawan) Roobab dabaylo wata oo khasaare gaystay ayaa ka da’ay degaano ka tirsan degmada Lughaya, sida u xaqiijiyay gudoomiyaha Degmada Lughaya Cabdillaahi Cali Awnuur Dixood.

Gudoomiyaha Degmada Lughaya Cabdillaahi Cali Awnuur Dixood ayaa warbaahinta la wadaagey khasaaraha roobkaasi ka dhashay “Roobabkan shalay galinkii dambe ayay ka da’een deegaano ka tirsan degmada Lughaya, waxana ay gaysteen khasaare maaliyadeed iyo mid burbur hantiyeed ah, degaanka Osoli oo ka mid ahaa degaanada uu qasaaraha soo gaadhsiiyay roobkani, ayaa waxa uu burburiyay dhammaan guryahii aqal-soomaaliga ka samaysnaa ee degaanka, sidoo kale dhimayaashii tirada yaraa ee ku yaalay jiingada ayuu ka qaaday, tukaamo dhawr ahna waxa uu burburiyay dhismahii ay ku jireen waxana soo gaadhay khasaare maaliyadeed”

Sawirka goobihi ay burburisay dabayshii roobku, kuwaas oo u badna Aqalada ay Soomaalidu dhisato ee ‘Buul Soomaaliga’
Sawirka meelihii uu khasaaraha soo gaadhsiiyey roobkii ka da’ay degmada Lughaya iyo deegaanada hoos yimaada
Sawirka Degmada Lughaya

Leave a Reply