Xukuumadda oo Telefishano Maxali ah iyo Idaacaddo FM ah ka hirgelinaysa gobolada

0
515

“Madaxweynuhu wuxuu diray Idaacadii weynayd oo ay ku baxayso hal milyan ($1milion) in ka badan….
“waxa qorshaha noogu jira in aanu Telefishan maxali ah (Local Television) u samayno lixda gobolba”Wasiir Koore…

Berbera(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland Md. Saleeban Yuusuf Cali (Koore) ayaa shaaca ka qaaday in Idaacad weyn oo dalka wada gaadha iyo Idaacado yar yar oo loogu talogalay gobolada la keeni doono, Telefishanno muxali ahna laga hirgelin doono lixda gobol ee Waddanka.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynuhu bixiyey kharash lagu soo iibinayo Idaacada weyn oo ay ku baxayso lacag ka badan hal milyan oo lacagta Maraykanka ah ($1milion), wasaaradda Warfaafintuna iyadoo ka duulaysa baahida loo qabo wakhtiga Idaacado laga baahiyo barmaamujyada waxbarashada iyo wacyi-gelinta cudurrada halista ah, sida Covid19 ay dibada u dirtay Idaacado yar yar oo FM ah oo la geyn doono magaalooyinka waaweyn, kuwaasoo awoodda baahintoodu daboolayso gobol kasta ugu yaraan 150KM.

Sidaasina waxa uu wasiirku ku sheegay, hadal uu maanta ka jeediyey kulan uu magaalada Berbera kula yeeshay Guddida ka-hortagga cudurka Corona Virus ee Gobolka Saaxil, kaasoo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta dawladda ee heer gobol iyo heer degmo ee ku jira guddida oo weftiga Wasiirka halkaasi ku siiyey warbixin la xidhiidha xaalada cudurka ee gobolka.

Saleeban Yuusuf Cali Koore, ayaa masuuliyiinta gobolkaas iyo shacabkaba ugu bushaareeyey qorshaha Xukuumaddu ku balaadhinayso warbaahinta dawladda oo ay safka hore kaga jiraan Idaacad iyo Telefishan Maxali ah oo laga hirgelinayo magaalada Berbera.
“Inshalah Madaxweynuhu wuxuu diray Idaacadii weynayd oo ay ku baxayso hal milyan ($1milion) in ka badan, waxa qorshaha noogu jira in aanu lixda gobol ba gaadhsiino oo aanu gobolka ugu weyn ee Maroodi-jeex masaafo dhan 120km ku bilowno iyo in aanu Telefishan maxali ah (Local Television) u samayno lixda gobolba”ayuu yidhi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray “waxa noo qorshaysan in Idaacado FM ah gobol kasta la dhigo oo ta ugu yari 150KM gaadhayso. hadda innagoo uga faa’idanaysanayna Covid19-ka waxa lacag ka badan $180,000 Dollar loo diray Idaacaddo FM ah, Berbera waa meelaha ugu horeeya oo midh ama laba way helaysaa”.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu tilmaamay in gobolada ugu horeeya ee la dhigayo Telefishannada maxali ah ay kamid yihiin Awdal iyo Sool oo ay warbaahinta Dawladduna ku yeellan doonto ardaayo (Studio) laga soo gudbiyo wararka iyo Barmaamujyada, iyadoo magaalada Berbera-na ay ku xigi doonto “maadaama ay magaalo Ganacsi tahay Berbera waxa ku xiga doona in aanu Telefishan gudaha ah u samayno, iyadoo aanu labada gobol ee SOOL iyo Awdal doonayno in aanu marka hore ka samayno, kuwaasoo aanu arrimo gaar ah oo siyaasi ah uga dan leenahay, kana samaynayno Istuudiyow gaar ah oo war-tebinta goboladaas laga soo gelayo, sababtoo ah in Hargeysa wax kastaa ku koobmaan maaha”.

Dhinaca kale, Wasiir Koore waxa uu si weyn u bogaadiyey dedaalka ay guddida gobolku kula tacaalayaan xakamaynta Cudurka Covid19, isagoo xusay in guddida heer qaran ee uu xubinta ka yahay ay amaan balaadhan u hayso gobol ahaan sida ay dhinac walba dabooleen howlaha cudurkaasi lagula dagaalamayo.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli shacabka Somaliland baahi weyn u qabaan qalabka warbaahinta qaranka ee sida sahlan lagu dhegeysan karo, sida Idaacadaha iyo Telefishannada aan u baahnayn qalabka kuwa Setlite-ka ku jira lagu helo (Local television), taasoo haddii Dadweynaha loo hirgeliyo uu muwaadin kastaaba ka helayo war iyo waxbarasho midka uu rabo.

Qore. Saleeban Kalshaale

Leave a Reply