Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Hawlaha Guud Oo Lagu Soo Dhaweeyay Horufadhi

0
878

Buuhoodle (Dawan): Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guriyaynta somaliland iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay deegaanka Horufadhi oo ka tirsan gobolka Buuhoodle.

Waxaana wasiirka iyo weftigiisa si balaadhan u soo dhaweeyey maamulka gobolka Buuhoodle, Salaadiinta, Cuqaasha, Waxgaradka, Culimaawdiinta, ururada bulshada iyo shacab weynaha deegaanka Horufadhi.

Wasiirka ayaa dhinaca kale waxaa soo dhawayntiisa ka qayb qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka oo salaan sharaf ku guddoonsiiyey.

U jeedadda socdaalka wasiirka ayaa daarranaa sidii uu uga qayb qadan lahaa dhex dhexaadita beelo walaalo ah oo deegaankaas wada dega, oo dhawaan shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac kala gaadhay.

Wasiirku waxa uu kulamo halkaas kula qaatay maamulka gobolka, Madaxda Dhaqanka, Cuqaasha iyo waxgaradka oo hore halkaa uga waday nabadeynta beelahaasi.

Waxaanu wasiirku ammaan iyo bogaadin u diray ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland sida ay qaybta laxaadka leh uga qaateen kala dhex gelista beelahaasi.

Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Cabdirashiid Ducaale Qambi, oo la hadlay odayaashii soo dhaweeyay ayaa u jeediyay hadallo isugu jiray tacsi eheladda dadkii ku dhintay colaadii beelaha, bogaadinta waxgaradka iyo fariinta wacyigelinta xukuumadda ee la xidhiidha caabuqa Corona virus.

“Waxaanu ka nimid aniga iyo weftiga i weheliyaaba caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargaysa.

Waxaanu ahaa socdaalkayagu mid ka turjumaya xukuumada Somaliland in aanu anagga oo ka wakiil ah, hawsha ka dhacday deegaankan wixii aanu ka gaysan karo, ee wanaag ah, ee nabadayn ah kaga qayb qaadano.

Taasoo weliba ah mid intii awoodayadu tahay aanaan waxba kala hadhi doonin, isla markaana ah mid aan khusayn siyaasad lagu na walaalaynayo beelahaas walaalaha iyo ood-wadaagta ah” ayuu yidhi wasiir Qambi.

Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaan halkan tacsi guud mid hore iyo mid hadda ahba gaadhsiinaynaa qoysaskii iyo eheladii ay waxyeeladu sida gaarka ah u saamaysay, ILLAAHAY SWT waxaan uga baryayaa inuu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Waxaanuna ka xukuumad ahaan u soo diyaargarownay sidii aanu idiinla wadaagi lahayn, sida iimaanku ku jiro, ee dadnimadu ay ku jirto, ee ehelnimadu ay ku jirto.

Waxa kale oo ah mid xusid mudan in aanu idiinka mahad naqno labadiina dhinac ee dhibku dhexmarey sidii aad ergooyinkii dhaqanka aad u ajiibteen anaguna hogaansanteen.

Waxaanu ballanqaadaynaa in aanu idinla geed-fadhiisano halka uu ku jiro xidid kasta oo maslaxadu leedahay ama lagu helayo. ILLAAHAY na sidaasaan ka baryeynaa inuu inagu garab galo”.

Geesta kale waxaa fariinta soo dhaweynta ee waxgaradka halkaa ka sheegay oo u hadlay oday Maxamed Haybe Yuusuf, oo tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin imaatinka wasiirka, maadaama oo uu yahay siyaasiga xukuumadda u metela deegaankaasi.

Waxanu yidhi,  “Waxaanu halkan ugu soo baxnay soo dhaweynta wasiirka iyo weftigiisa anaga oo ah dhaqan, waxgarad, iyo culimaa’udiinba inaanu soo dhawayno wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta ee Jamhuuriyada Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo weftiga uu hogaaminayo, oo aanu baxnaaninaynay imaatinkooda.

Isagoo inooga yimid xukuumada uu gobol ahaan inagu metelo. Markaa waxaanu ku leenahay soo dhawoow wasiir adiga iyo weftigaagu”.

Waxaanu intaas raaciyay,  “Halkan-na waa lagaa sugayey adiga iyo cid kasta oo inay qaboojinta shaqaaqada labada beelood ee walaalaha ah wax ka qabato isu soo xilqaantay, waxaanuna leenahay soo dhawaada.

Waxa kale oo aanu baaq tacsiyadeed halkan uga dirayaa qoysaskii ay shaqaaqadan waxyeeladu sida gaarka ah u gaadhay” ayuu yidhi oday Maxamed Haybe Yuusuf.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply