Burburinta Taalladii Adoonsiga Ee Bristol

0
476

Dadka ka banaan baxayay Ingiriiska ee ka soo horjeeday dilkii nnkii madooba ee Maraykanka ah ayaa burburiyay taallada nin caan ku ahaa ka ganacsiga dadka madow oo lagu magacaabi jiray “Edward Colston” taaladaasi oo ku taalla magala Bristol ee dalkaasi.

Colston waxa astaan u aha ganacsiga addoonsiga. Ninkan ayaa noolaa qarnigii toddoba iyo tobnaad waxaana uu la sheqeeyay shirkadda Royal African Company, oo la sheego in dadkii Afrikaanka ah ee raga, dumarka iyo caruurta ah ay ka soo kaxayn jirtay Afrika iyadoo geyn jirtay dalka Maraykanka.  Waxaana la sheegay in sanadkii 1721 uu dhintay Colston isla markaana uu ku dardaaramay in hantidii uu ururinyay ay noqoto sadaqo.

Taalladan loo dhisay  Colston waxa laga taagay badhtamaha Bristol sanadkii 1895, laakiin mudooyinka danbe waxa jiray khilaaf xoogan oo lagu doonayo in la baabiiyo madaama uu ahaa nin ka ganacsada adoonsiga. Waxaana uu noqday mudahaaradku mid fududeeyay burburinta taallada adoonsiga. Waxaana burburka taallada tuuray webiga dhiniciisa ah. (theguardian.com)

Leave a Reply