Maxaa Caawiya Fahamka Iyo Xifdiga Ardayga!

0
871

Daraasad cusub ayaa cadaysay in caruurta subaxa hore soo quraacata ka hor inta aanay gelin casharada dugsiga ay ka awood iyo karti badan yihiin kuwa aan soo quraacan ama wakhtiga nus saacaha qaata quraacda.

Daraasaddan oo laga qaaday arday gaadhaysa 5 kun oo arday oo kala dhigta  1000 dugsi hoose ayaa muujisay in ardaydu dhinaca fahamka xoog ugu kala horeeyaan sababtuna ay tahay quraacda.

Daraasaddan oo ay samaysay Jaamacadda “Cardiff” with “Wales”  ee dalka Ingiriiska aya cadaysay in xidhiidh weyn ka dhexeeyo qaadashada quraacda midhaha ah fuulka, Kimista burka ah iyo Caanaha iyo awoodda shaqada maskaxda iyo fahamka ardayga yar ee ku jira dugsiyada hoose.

Waxaana daraasadu intaasi ku dartay inay muhiim tahay in caruurta subaxa hore la quraaciyo iyadoo weliba cuntooyin nafaqo leh la siinayo. Waxaana daraasaddu soo saartay derejooyinka imtixaanaadka ardaydaasi oo aad u kala fog iyagoo kuwa aan quraacin ay yihiin kuwo ku hooseeya xaga derejooyinka Imtixaanaadka ardayda kale .

Leave a Reply