Saboolku Wuxu Baahan yahay Maskax!

0
597

Gabadha Joanne Rowling oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa u safartay dalka Bortiqiiska si ay uga hesho shaqo macalinimo. Halkaasi ayay ku guursatay,  laakiins sanad ka dib waa ay kala tegeen ninkii ay is guursadeen iyadoo weliba u dhashay  gabadh. Markii noloshii ku adkaatay ayay Dalkeeda dib ugu noqotay iyadoo ah hooyo iyo gabadh yar sidata ah.

Joanne Rowling waxay isu aragtay markii ay shaqo weyday ee xaalkuna ku xumaaday inay nolosha ku fashilantay waxaana ku dhacay xanuunka werwerka sida darteed waxay goosatay inay nafta iska jarto oo dunida maca salaamayso. Laakiin wakhtigaasi nasiib wanaag xukuumadda ayaa u oglaatay inay qaadato lacagaha kaalmada ah ee la siiyo dadka baahan.

Markii danbena waxa gabadha Joanne Rowling ay ku fikirtay inay qoraalo samayso waayo arinkaasi ayay hiwaayad u lahayd. Waxaana ay bilowday qoraalka iyadoo soo saartay silsilada buugaagta “Hary Poter” oo aad loo jeclaaday qisaska ku qoran.

Buugaagta “Harry Potter” waxa laga sameeyay filimo Ingiriis-Mareykan taxane ah oo ku saleysan buugaagta qoraaga J. K. Rowling.

Sanadkii 2004 waxa ay noqotay qoraaga aad loo xiiseeyo buugaagtiisa waxaana ay ka heshay hanti gaadhaysa bilyano doller ah.  Joanne Rowling  Waa qoraaga ugu badan ee dunida buugaagta silsilada ah ee uu qoray aad loo iibsado taariikh ahaan.  Waxaana buugaagta silsiladad ee ay qortay la iibsaday 500 milyan oo nuskhadood (copy).

 

 

Leave a Reply