Ardayda Jaamacada Hargeysa oo Imtaxaankii u Fadhiistay

0
605

Hargeysa (Dawan) Waxaa maanta imtixaanka u billaabmay ardeyda ku jirta sannadka u danbeeyay ee jaamacadda Hargeysa.

Dhammaanba ardeydii u fadhiisatay imtixaanka saaka, ayaa fuliyey go’aamadii guddida covid-19, ee ahaa xidhashada Af-saabka, Gacmo-gashiga, iyo kala fogaanshiyaha.

Goobaha ardaydani imtixaanka ku galleen ayaa ahaa Hoolkii lagu qaban jiray munaasibadaha qalin jabinta iyo imtixaanada oo ay gadhi jireen saddex kun oo arday balse waxaana fadhiyay saaka boqol iyo konton arday.

Arrintantan ayaa ka marag kaceysa sida maanulka, masuuliyiinta iyo ardayda jaamacadda Hargeysa ugu baraarugsan yihiin halista xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Waxaana arday kasta la baadhay xaraarada xumada jidhkiisa inta aaanu soo gelin xaydaabka jaamacadda, iyada oo lagu baadhayey afaafka hore ee laga gallo jaamacadda.

Hadii marka la helo qof ay xumadiisu intii caddiga aheyd ka sareyso waxaa loo diyaariyey goob ka duwan goobaha imtixaanka lagu galayo oo kaligii uu ku galo, inkasta oo aan maanta wax kiisa laga helin.

Imtixaanku waxaa uu socon doona muddo todoba cisho ah.

Sawirka ardayda sanadkii u danbeysay oo maanta si rasmiya u bilaabmay/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply