Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo faahfaahin ka bixiyey muddada uu sii soconayo Shirka Djibouti

0
515

Djibouti(Dawan)-Wasiirka Arrimaha Dibada iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo iyo qodobada lagaga hadlayo Shirka wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee shalay ka furmay Magaalada Jibuuti ee caasimada Jamhuuriyada Djibouti.

Mudane, Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo caawa khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Dawan, isagoo ku sugan Magaalada Jibuuti, ayaa shaaca ka qaaday in shirka wadahadalladu sii socon doono maalmaha soo socda, lagagana wada-xaajoon doono sidii waddo loogu samayn lahaa geedi-socodka wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo galay marxalad cusub.

Wasiirka, ayaa intaasi ku daray in kulanka shalay uu ku furmay jawi degen, wax badana lagaga wadahadlay, kuwa soo socdana lagu sii ambaqaadi doono qodobo muhiim ah, waxaanu isagoo dhowraya nidaamka diblomaasiyaddeed uu sawir ka bixiyey dareenka ay Dawladda Somaliland ka qabto madaxda dhexdhexaadinaya shirka oo uu kamid yahay madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

“Shirkaasi wuu furmay, waanu sii socon doonaa inshalah ilaa inta meel wax laysla dhigayo ilaa beri iyo wixii ka dambeeya, shirkuna si fiican ayuu u furmay, una socdaa ilaa hadda”ayuu yidhi Wasiir Faratoon.
Wasiirka oo la waydiiyey waxa ka jira warar sheegayey in shirku shalay natiijo la’aan ku dhamaaday, laguna kala kacay waxa uu ku jawaabay;
“Shirku waa bilow, wax natiijo ahina kama soo bixin oo waa shir bilow ah, markaa wixii ka soo baxa marka uu dhamaado ayuunbaa la sheegi karaa, laakiinse shir lagu kala kacay ma jiro”
Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, waxa uu tilmaamay in ay maanta labada dhinac magacaabayaan guddiyo farsamo oo diyaarinaya khariidadda wadahadalla ee mustaqbalka, wixii ay guddiyadaasi miiska soo dhigaanna laga duuli doono.
“beri ayaa la saarayaa guddiyo labada dhinac ah oo diyaarinaya waxyaabaha laga wadahadlayo, haddii laga wadahadlayo wixii hore iyo fulintooda iyo haddii dariiq cusub laga wada hadlayaba.
guddiyadaasi waxa ay ka kooban labada dhinac oo kala magacaabaya, waana guddiyo farsamo.”

Wasiirka oo la waydiiyey arragtida ay Somaliland ka qabto dalalka dhexdhexaadinaya Shirka iyo in ay jiraan dareemo muujinaya in hogaamiyeyaasha Djibouti iyo Itoobiya ay u xaglinayaan dhinaca Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay;
“Shirka waxa marti-gelisay Dawladda Jibuuti, waxa ka qaybgalay madax badan oo kala duwan, iyaguna way nala joogeen, markaa cidbaa dhinac ah iyo cidb xaglinaysa midna kuma odhan karo,dad na dhexdhexaadinaya weeye”.

Ugu dambeyn, wasiirku waxa uu shaaca ka qaaday in shirkani uga dhigan yahay Somaliland guul siyaasi ah, maadaama waxa lagaga hadlayaa tahay qadiyada Dalka ee masiiriga ah.
“Shirka waxa lagaga hadlayaa waa arrimo masiiri ah oo qadiyada Somaliland khuseeya, in la wadahadlo-na mar walba diyaarbaanu u nahay oo waa soo dhaweynaynaa, waana guul ayaan qabaa”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Jamhuuriyada Somaliland.

Shirkan ka socda Magaalada Jibuuti, ayaa kaga duwan shirarkii hore miisaanka wufuuda uga qaybgelaya labada dawladda ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo waliba qodobada bilowgiiba lagu furay oo ah qaar khuseeya arrimaha masiirka siyaasaddeed ee dalalka, taasoo in badan ay soomaaliya ka warwareegaysay in la dooxo oo laga dooddo.

Dhinaca kale, shirkan oo ay soo qabanqaabisay Dawladda Maraykanku, ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli ay isbedello siyaasaddeed iyo hirdan dhaqaale ka socdaan Geeska Afrika, muhiimna loo arko in ay labada dhinac heshiis dhab ah ka gaadhaan xidhiidhkooda mustaqbalka.

Leave a Reply