Deegaanka Baddu Wuxuu Hoy u Yahay Noole Fara Badan

0
549

Deegaanka Baddu wuxuu hoy u yahay noole fara badan oo ku dhex nool biyaha
Badda kana kooban noole ishu arki karto iyo kuwo ilma aragti ah, iskuguna jira labada qaybood ee loo qeybiyo noolaha adduunka Dhir iyo Xayawaan.

Haddaba maqaalkani wuxuu si koban uga hadlayaa dhir badeedka yaryar ee ishu ayna qaban ee hal unugle u badan loona yaqaano “phytoplankton”, waana dhirta ugu badan ee ku nool biyaha badda iyo tan barigaba, waxaanna lagu qiyaasaa inay biyaha badda dhirtani ka tahay in ka badan
80% marka loo eego dhirta kale ee ku dhex nool biyaha badda. Waxayna la mid tahay
dhirta cagaaran ee bariga ee cuntada sameysata oo dhirtan badduna way sameystaa cuntada markey hesho iftiinka qoraxda, nafaqo iyo hawada karboonka
(carbon dioxide).

Dhirtan Phytoplanktonku waxay Hawada ku dartaa ogsijiinka (oxygen) in ka badan boqol
kii ba kontan (50%), sida ay sheekeen Culimada saynisku, waana hawada aynu isticmaalno markaynu neefsanayno Maxay tahay dhir badeedkani (Marine Phytoplankton) Waa Dhir badeed aad u yaryar oo intooda badan ilma qabati ah (ishu arkeyn) laguna arki karo waynayso (microscope), kuna dhex noolaan kara biyo cusbada leh (dhanaan) iyo kuwo kalaba ( salty & fresh water), waxaana loo yaqaanaa (phytoplankton) ama dhirta waynaysada lagu arko ( microscopic plant), waxayna u badan tahay hal unugle ( most of them are single celled plants), Waxayna ku noolyihiin lakabka sare ee biyaha badda si ay u helaan iftiinka qoraxda oo muhiim ugu ah dhirtan habka cunto sameysiga sida dhirta cagaaran ee dhulka oo kale, dhirta cuntada sameystana adduunka korkiisa tan badda iyo barigaba nus bay ka tahay dhirtan phytoplanktonku.

Dhirtani waxay leedahay midab sameeyaha (chlorophyll) kaasoo dhirta siiya midabka cagaaran, isaguna wuxuu u dabaa tamarta qoraxda una suurta galiya inay cunto sameysan karto, sidaan ognahay dhirtuna waxay u baahantahy markay sameysaneyso cunto in ay hesho; Biyo, Tamarta qoraxda.

Nafaqo iyo Hawada kaarbooonka (CO 2). Haddaba dhirtani si ay cunto u sameysato Hawada kaarboonka (CO 2 ) iyo nafaqadaba (nutrients) waxay ka soo nuugta biyaha badda oo ay ku dhex Milan yihiin, waxayna aasaas u tahay habka silsilada cuntada noolaha. Tusaale ahaan waxaa cuna
dhirtan kalluunka yar yar iyo noocyo ka mida ah Nibiriga (whales), ka dibna iyaga waxa sii cuna kalluunka waaweyn, dadkuna waxay sii cunaan kalluunka waaweyn waa silsilad isku xidhan oo ka soo bilaabanta dhirtan yaryar gaadhana Kalluunka waaweyn ilaa Dadka.

FAA’IIDOOYINKA LAGA HELO DHIR BADEEDKAN YARYAR: Dhir badeedkani waxay hawada ka yareysaa kaarboonka(CO 2) ay soo daayaan warshadaha iyo wixii shiidaal guba (burning fossil fuel), sababtoo ah iyadaa qaadata karboonka ugu badan adduunka, sidoo kale waxay ku dartaa ogsijiin(oxygen) fara badan hawada inagu wareegsan oo noolaha kale u baahan yahay sida dadka.

Waxay ka qayb qaadataa yarenta heerka kuleylka cimilada Waa soo saaraha kowaad ama kan ugu
muhiimsan habka shabakada cuntada ee noolaha badda ( aquatic food web).

Leave a Reply