Qaramada Midoobay Oo Bulshada Ku Boorisay inay ka Faa’iidaystaan Khayraadka Badda

0
434

Qaramada midoobey ayaa ugu baaqday dadka Afrika gaar ahaan Soomaalidda inay ka faa’iidaysaan khayraadka dalalkooda si aanay u dhicin macaluul, war-bixin dhowaan la soo saaray ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in laga faa’iidaysto kalluunka.

Hay’adda cunada iyo beeraha qaramada midoobey ee FAO ayaa sheegtay in dadka Soomaalida looga baahan yahay inay kalluunka cunnaan, taasoo sahli karta in laga hortago macaluusha laga cabsi qabo inay ka dilaacdo Geeska Afrika xiliyada  abaaraha.

FAO waxay xustay in xeebaha dalalka bariga Afrika ay yihiin kuwa ugu dheer qaarada Afrika, n hay’adda ayaa intaas ku dartay in loo baahan yahay in si isku mid ah dadka loogu wacyi geliyo isticmaalka Kalluunka dalalkooda, oo ka mid ah cunooyinka ugu fiican.

War-bixinta FAO ayaa lagu yidhi “Muhiimada ugu weyn ee arrintan laga leeyahay waa  sidii loogu dhiiri-gelin lahaa dadku inay khayraadka badda ula soo bixi  lahaayeen, gaar ahana dadka ku jira xeryaha barakacayaasha.”

FOA ugu dambayntii waxay sheegtay in ay tababaro kala duwan siin doonto dalalka Bariga Afrika ee ay hay’adda FAO ka hawl-gasho, waxay intaas ku dartay in ay bixinayso  noocyo kala duwan oo qalab ah oo la gaadhsiin doonto dadka la bartay sida loo jilaabto iyo habka loo iib-geeyo suuqa.

Leave a Reply