Madaxweynaha Somaliland oo Si Mug iyo Miisaan-leh loogu  Soo Dhaweeyey Dalka

0
477

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dalka Jabuuti kaga qaybgalay wadahadalo Somaliland iyo Soomaaliya uga socday dalka Jabuuti oo ay ku yeesheen.

Soo dhaweynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa wax aka qayb galay dadweyne tiro badan oo ku nool xaafadaha kala duwan ee caasimada Hargeysa, kuwaas oo lulayey calanka Jamhuuriyadka, kuna dhawaaqayey halku dhigyo ay ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo la hadlay Warbaahinta waxa uu ka hadlay arimo ku saabsan shirkii Somaliland iyo Somalia ay ku yeesheen dalka Jabuuti.

 

Leave a Reply