Somaliland iyo Jabuuti oo ka Wada Hadlay wiil Argagixisonimo ugu Xidhan Waddankaasi Muddo 7-sano ah

0
511

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Jabuuti uu kala hadlay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaaho Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo  mudo 7-sano ah ku xidhan Jibuuti, islamarkaana ku eedeysan argagixisanimo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in wiilkani oo caddaaladdaro ka tirsanaya xukuumadihii isaga ka horeeyay, uu arrintiisa kala hadlay madaxda  waddanka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, islamarkaana sida ugu dhakhsaha badan loo furayo faylkiisi.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi  isaga oo arrnta wiilkaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa jira nin muwaadina oo reer Somaliland ah oo todoba sano waddanka Jabuuti ku xidhnaa, oo arrimahaasi falalka argagixisada u xidhnaa oo ka tirsanaya caddaaladaro xukuumaddihii xukuumaddan ka horeeyay, waanu kala hadalay dowlada Jabuuti faylkiisi  dib ayaa loo furayaa hadii ILLAAHEY yidhaho

Leave a Reply