Shacabka Reer Berbera oo Heli Doonaan Laydh Jaban .

0
571

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Muuse Diiriye iyo sidoo kale masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo kuwa degmada Berbera ayaa booqday goob laga hirgelinaayo Solar-ta dabka laga dhaliyo oo ku taalla magaaladda Berbera.

Solar-tan oo gaadhaysa ilaa 7 megawaat ayaa dhismaheedu ka socda goob ku taalla galbeedka magaaladda Berbera, waxaana Somaliland ku caawisay dawladda Imaaraadka Carabta sida masuuliyiinta goobta booqday ay sheegeen.

Duqa magaaladda Berbera Cabdishakuum  Maxamuud Ciddin oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in Solar-tani ay wax weyn ka tari doono baahida dhinaca Laydhka ee bulshada magaaladda Berbera, isaga oo sheegay in ay reer Berbera waqtigan helaan laydhka ugu qiimaha jaban Somaliland , lana filaayo inay heli doonaan laydh intan ka qiimo jaban marka Solar-tan la rakibo.

Waxa isna goobtaas ka hadlay wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Md Maxamed Muuse Diiriye   oo ugu bishaareeyey shacabka reer Berbera in ay heli doonaan laydh qiimihiisu aad u jaban yahay , waxaanu wasiirku tilmaamay in goobtan laga hirgelinaayo Laydhkan laga dhalinaayo Solar-tu ay tahay Hanti Qaranku lee yahay.

Leave a Reply