Somaliland: Wasiiro ka bogsaday Xanuunka Covid19

0
429

Hargeysa-(Dawan) Wasiiradda Wasaaraddaha gadiidka , Isgaadhsiinta iyo Jidadka ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa ka bogsaday xanuunka safmark ee Covid19 oo hore u dhacay .

 

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Somaliland, Maxamed Axmed Cawad ayaa sheegay inuu hadda ka bogsaday Xanuunka Covid19.

“badhitaano aan maray waxa ay sheegeen in aan ka bogsaday , ciddii nosoo ducaysay aad ayad u mahadsan tihiin , dadka uu hadda hayo waxaan leeyahay ILLAHAY ha idinka badbaadiyo inta aanu ku dhicina ALLE haka hayo “ ayuu yidhi

 

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Boosaha , Dr Cabdiweli Cabdilaahi Suufi ayaa isna cadeeyey inuu ka bogsaday Cudurka waxana uu yidhi “ ka dib markii aan sameeyey baadhitaankii labaa dee xanuunka safmarka ah ee COVID19 waxay soo baxday jawaabtii in aan ka bogsaday oo aanu I hayn”

 

Wasiirka Wasaaradda gadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa isna todobaadkii hore Warbaahinta u xaqiijiyey inuu ka ladnaaday xanuunka safmarka ah ee Covid19 oo hore ugu dhacay .

 

Masuuliyiintan ayaa noqonayaa saddex Wasiir ee xanuunka uu ka haleelay xukuumadda Somaliland balse waxa weli jira dad ka mida shacabka Somaliland oo u jiifa Xanuunka .

 

Leave a Reply