Jabuuti : Fanaanad Caan Ahayd oo Geeriyootay

0
551

Jabuuti (Dawan) ALLE ha u naxariistee waxa xalay magaalad Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku Geeriyootay Faaadumo Cabdillaahi Balbalaaf.

Faadumo Cabdillaahi Balbalaaf ayaa ka mid ahayd fanaanniinta caanka ah ee Soomaalida, waxayna muddo dheer ka dhex muuqatay Kooxaha Fannaaniinta ee Jabuuti.

Faadumo ayaa door wanaagsan ka soo qaadatay fanka Soomaalida, waxayna ka qayb-qaadatay Riwaayado badan, kuwaasi oo ay kaga qayb-qaadatay heeso iyp Mujaajilooyin labadaba.

Riwaayadaha ay caanka ku ahayd waxa ka mid ahaa “Ragoow Aarsi haween u Adkaysta markiina”.

Leave a Reply