Muxuu ka Dhigan yahay Go’aanka Sacuudiga ee Xajka sanadkan?

0
647

Dowladda Sucuudiga ayaa shalay ku dhawaaqday in sanadkaan la joojiyay dadkii xajka uga iman jiray wadanka dibadiidsa, waxaase dowladdu ay ogolaatay inay xajiyaan tiro kooban oo ah dadka deggan gudhaha Sacuudiga.

Dadkaas ayaa waxaa ku jira kuwa aan u dhalan Sucuudiga balse dalka degan, waddanka ay doonaan haka soo jeedaane.

Sacuudiga ayaa sheegay in go’aankan loo qaatay sababo la xiriira faafitaanka cudurka Coronavirus, si loo xaqiijiyo in dadka xajinaya ay badqabaan.

Go’aanka ayaa yimid ayada oo horey dhowr dal ay ugu dhowaaqeen inay sanadkan ay dadkooda u diri doonin xajka, ayaga oo ka cabsi qaba inay halkaas kasoo qaadaan Coronavirus kadibna dalka soo geliyaan.

Go’aanka Sacuudiga ayaa waxa uu saamaynayaa malaayiin muslimiin ah oo horey u sii qorshaystay inay sanadkan xajiyaan.

Leave a Reply