Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka oo laga Hirgeliyay Deegaanka Ina Cunaaye

0
965

Ina-cunaaye (Dawan) Dr. Adna Aadan Ismaaciil kana mida dhakhaatiirta waa weyn ee dalka Somaliland ayaa agab caafimaad oo dhammeystiran gaadhsiisay xarunta Hooyada iyo dhallaanka ee Xaaji Haybe ee tuuladda Ina Cunaaye, oo hoostaga gobolka Hawd.

Xaruntani Hooyada iyo dhallaanka ee deegaankani laga bineeyay ahaa ah tii ugu horeysay, iyada oo wax badan ka tari doonta adeeg bixintii dhanka caafimaadka ee bulshada deegaankaasi ku nool.

Agabkani la gaadhsiiyay xaruntani ayay bulshadda deegaankani ku nooli sheegeen in ay baahi weyn u qabeen, islamarkaana ay ku faraxsan yihiin keenistiisa, iyaga oo uga mahad celiyay Dr. Adna iyo Cabdi Haybe oo isagu lahaa fikirkii lagu hirgaliyay xaruntani hooyada iyo dhallaanka ee deegaanka Ina Cunaaye.

Siyaasi Cabdi Haybe oo lahaa fikirkii lagu dhisay xaruntani hooyada iyo dhallaanka ee deegaanka Ina Cunaaye ayaa ka marag kacay in xaruntani lagu dhisay barnaamij iska wax u qabso ah oo daahfuran waxaanu yidhi “Adni talaabadii aabaheed ayay daba heysa, MCH-kan oo kaliya may caawin balse MCH-yada Somaliland oo dhan ayay caawisa, masaakiinta ayay wax u qabata oo lagu qalaa cisbitaalkeeda oo bilaash loogu qalaa, imikana qalabkan aad aragtan iyo ka la xareeyayba iyada ayaa ku soo caawisay meesha, xaruntan hooyada iyo dhalaanka Cabdi Haybe muu dhisin balse waxaa dhisay dadka tuuladan jooga, iyo qurba joogta tuuladan u dhashay inkasta oo inta ugu badan aan leeyahay dhismaha xaruntani”

Dr. Adna Aadan Ismaaciil ayaa daboolka ka qaaday in kaalin mihiima ay ka qaateen agabkani xaruntani caafimaad ee Hooyada iyo dhallaanka la keenay inn  iyada iyo dhakhaatiirta sida maalin laha ah uga hawl gala cisbitaalkeedu ay wax badan ka tareyso “Magaalooyinkeeni ayaynu dhisanay jidadkeeni ayaynu dhisanay, cisbitaaladeeni ayaynu dhisanay iskuuladeeni ayaynu dhisanay, intii ILLAAHEY inala qabtay ayaynu dhisanay, mudane Cabdi Haybe wasiirkii hore ee caafimaadka, wuu ii yimid waxaanu igu yidhi ‘xarun hooyada iyo dhalaanka ah ayaanu dhisnay ee maxaad igala qaban kartaa? Aad ayaan u qushuucay waxaanu igu yidhi bulshada tuulada Ina Cunaaye ayaan MCH u dhisay, dhakhaatiirta i garab taagan ayaan ku idhi maxaa idinka soo go’a, wixii lagu furilahaa oo intan ah ayaan idiin keenay, waxaa kale oo aanu codsaneynaa cidii meeshan lagu soo magacaabo laba umuliso ay noqdaan qaar aan ku aamini karro hooyooyinkayga, iyo carruurtayda iyo bulshada meeshan deganba, wadda shaqeyntaasi ayay wax inoogu hagaagan”

Dr Adna iyada oo hadalkeeda sii wada waxaab ay intaas raacisay in ay bilad geesi siineyso siyaasi Cabdi Haybe “Mudane Cabdi Haybe adiga bilad geesigeygii ayaan kugu tolay waayo waxaad tahay ninkii u dhaqaaqay inaad u damqato wakhtigiisi iyo hantidiisi u huray in uu bulshadaasi wax u sameeyo, waad ku amaanan tahay ILLAAHEY-baana kaa abaalmarin doona, waxaan jec la’aan lahaa in aynu ku dayano”

Sawirka Dr. Adna Aadan Ismaaciil, oo ka qayb qaadatay qalabeybta xarunta Hooyada iyo dhalaanka ee Xaaji Cabdi Haybe, ee laga hirgaliyay deegaanka Ina Cunaaye
Sawirka xarunta Hooyada iyo dhallaanka ee Xaaji Cabdi Haybe, ee deegaanka Ina Cunaaye

Leave a Reply