Wasiirka Diinta oo Caddeeyay inay Talaabo ka Qaadeen eheladii Ninka ajaanibka ah gubay

0
551

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland, mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka hadlay dhacdadii ninkii ajaanibka ahaa ee todobaadkii hore lagu gubay duleedka waqooyi ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta ayaa iska fogeeyay in wasaaradda diinta iyo awqaaftu ay ku lug laheyd gubista maydkii ninkii ajaanibka ahaa, waxaanu xusay in cisbitaalka dowladda ee magaalada Hargeysa ay la soo xidhiidhay wasaaradda diinta iyo awqaaftu, sida loo aasayo ninkaasi ajaanibka ah, isaga oo tilmaamay arrintaasi ay ka fadhiisteen culimada waa weyn ee wasaaradda diinta iyo awqaaftu, kadibna ay soo saareen in ehelkiisa lagu wareejiyo oo wixii ay ka yeelayaan ay ka yeelaan.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland, mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “In ay noo sheegto qaabka qofka loo aasayo ama looga takhalusayo, waxaa aanu dhab ahaantii halka u fadhiisinay culimada waa weyn ee waddanka anaga oo eegayna maslaxada guud iyo diinteenu waxaa ay ka qabto, waxaa aanu caddeynay in madaahibta diinta islaamku aanay isku khilaafsaneyn qofka gaalka ah ee aan muslinka aheyn dhab ahaantii xurmada islaamnka oo kale malaha, sidaasi darteed waxaa ay caddeeyeen cidii ehelka u aheyd hadii ay joogto waa loo dhiibayaa siday doonaan haw galaane”

Sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in ninkan ajaanibka ah uu ku dhacay xannuunka kansarka ee dhiiga raaca, balse waxaa uu caddeeyay in ay gacan ka geysteen ilaaladiisa isaga oo farta ku fiiqay cidkasta oo falkaasi ku lug laheyd in ay tallaabo ka qaadeen kadib markii ay maydka ku gubeen meel aan munaasib ku aheyn “Inagu kameynaan qayb qaadanin in aynu ilaalino goobta mooyaane gubitaankiisi, hase ahaate gabadhiisi iyo ehelkiisi oo jooga ayaa lagu wareejiyay, waxaa dhab ahaantii khaldaneyn oo aanu kula xisaabtanay dadkii geystay iyo kuwii Chineska ahaa ee hawshaasi geystayba inay la tageen gubista meydkaasi meel aan ku habbooneyn sidii balantu ay aheyd, taasin a waa khalad ka dhacay iyaga laakiin xaga diinteena qofkaasi gaalka ah ma mutaysanin xurmadii uu lahaa qofka muslinka ahi sharci ahaan, hadana waxaa waxaa xaq loogu yeeshay in aynu ku wareejino, dadkii iyagu ehelka u ahaa sida ay shareecadu dhigeyso, caalamul islaamna kamay dhicin in dad sidaasi oo kale ah loogu diido meydkooda inay gubaan ama aastaan ama waxaa ay doonaan ay ku sameeyaan”

Leave a Reply