Xurmo Bini’aadamnimo, Dhacdo Hargeysa, Goob Xafladeed

0
629

Xurmo Bini’aadamnimo, Dhacdo Hargeysa, Goob Xafladeed.

Waxay ahayd maalin Axad ah oo bishuna tahay 17/12/2017, waxaan ku sugnaa madal ay xafladi ka socotay, waxa ii timid inan marka doonaysay inay ila hadasho, ‘way ii timid waanay ila hadashay’ salaan iyo soo dhawayn ka dib waxay igu tidhi walaal maxaan kaa caawiyaa ood u baahan tahay in aan soo qabtee?

Dadkaa meesha joogay kaligeed ayaa iska xilqaantay oo soo kacday, si waxaan u baahanahay ay iigu keento, dhab ahaantii waan ku dirsaday wixii markaa aan u baahnaa, markii ay ii keentay.

Inantii waxay ku noqotay goobtii ay madashaasi xafladu ja socotay ay ka fadhiday, waxa la gaadhay guntii iyo gabo-gabadii xafladdii goobtaa ka socotay, aniga marka cidi ilamay socon oo kaligey ayaa tagey goobta, waxaanan islahaa kaligaa ka soo bax kamaan soo bixin intay dadku baxayeen waan sugaayay si ay ii dhaafaan.

Dadku waa ay wada baxeen inantii ayaa kaligeed ku jirta wali goobtii, ana waan fadhiya wali ma aqoonsan inantu waxay Sugayso!

Ileyn waxay rabtaa inay aniga isoo kaxayso gaadhigana isoo saarto, gaadhigii ayaa ii yimid way isoo kaxaysay gaadhigii ayey isoo saartay waxaaney igu tidhi “Nabad galiyo walaal Samatar” 30-daqiiqo kadib ayey iso wacday iyadoo doonaysay inay ogaato inaan gurigii nabad tagay iyo in kale.

Intaa wixii ka dambeeyey inantii way isoo xirldhiidhin jirtay sidii ayaanan wali u wada hadalnaa, hadalladii ay igu tidhi xilligaas aan is baranay waxa ka mid ahaa erayadan
“Adeega ayaan ku ahaan doonaa intaan ifka ku noolahay, waxaad ku talo gashaa inaan ahay laxaadkaad ku socoto intaan dunida joogo”

Tan iyo wixii ,markaa ka dambeeyey waxaanu nahay walaalo hooyo kale ii dhashay,
Saamiya Mohamed Hassan Daalo waa walaal aan jeclahay waxay jeceshahay horumarkayga, way i dhiirrigalisaa, wanaag idilkiis waa dusheeda, waa qof muxtarim ah dadka way iga jeceshahay ana ixtiraam aanan qofkle u hayn ayaan u hayaa maha inan amaanayo.

Hadaladaasi oo dhammu waa wax ay Iyadu iga kasbatay waa qof qalbiga ka xadhiidh ah waa qof furfuran waa qof deganaan ay Ka muuqato.

Naxariista waa loo kala dhashaa ee haddii ay naxatiistu qof ahaan lahayd iyada ayaan u hibeylaha, una cumamadilahaa.

Saamiya Daallo inta aan wada joogno wan faraxsanahay, waa gobonimadii oo qof ah farxaduna agteeda taallo, ILLAAHEY ha sharfo oo hakugu aamaansado meel walba oo aad joogto.

Aamin aaamin aamin aamin, aamin❤

Qalinkii Samatar Cabdi Jaamac.

ALLAA MAHAD LEH.

Leave a Reply