“Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa maayarka Laascaanood”…

0
500

Hargaysa (Dawan): Madax weyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ayaa maayarka magaaladda Laascaanood ku amaanay sidii wanaagsanayd ee uu uga shaqeeyay barnaamijkii wacyigelinta caabuqa Covid-19 xiligii dedaalka loogu jiray ka hor taga faafintaan xanuunkaasi.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu sheegay in maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, uu muujiyay hawl-karnimo iyo dedaal dheeraad ah oo la xidhiidhay ka hor taga faafitaanka xanuunka Corona virus.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad uu ku daah-furayay mashruuca maamul daadejinta  dawladda hoose ee loo soo gaabiyo JPLG-ka.

Shirkaasi oo maanta ka furmay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay maayarrada magaalooyinka waaweyn ee lix gobol oo ka mida dalka.

Mashruuca JPLG-ga ayaa sannadkan loo bedelay la dagaalanka iyo ka hortaga Xanuunka Covid19, iyadoo laga fulinayo degmooyinka dalka ee uu ka jiro Adeega JPLG-gu.

Waxaana sannadka mashuurucu uu ka qeyb qaadanayaa sidii dadka looga bad baadin lahaa xanuunkaasi.

C/raxmaan Saylici, ayaa si guud ugu mahad celiyay maayarrada magaalooyinka dalka sidii ay uga shaqeeyeen barnaamijka xakamaynta caabuqa Covid-19, gaar ahaana maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Maxamed.

Waxaanu yidhi,  “Sida isku duubnidda ah ee aan uga hawl-galnay caabuqa Covis-19 faafintankiisu in uu inagu yaraaday.

Taasi na waa ta keentay isku tashiga iyo awoodda oo aan meel isugu wada gaynay, ilaa heer qaran, ilaa heer gobol, ilaa heer degmo, aan kaga wada hawl-galnay.

Runtii, maayarradu ha kala dedaal bad naadaane, aad iyo aad baa loo wada dedaalay. Waanan ugu hanbalyaynayaa shaqadda ay qabteen, gaar ahaan maayarka Laascaanood, oo runtii marka aan habeenkii TV-yadda daawado, maayarka Shaashadda soo gala, ee ugu badani, waa maayarka Laascaanood”.

Geesta kale waxa  uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland in maayarka magaaladda Laascaanood uu kaalinta koowaad ka galay ilaalinta iyo kor u qaadista nadaafadda guud, si loo yareeyo fiditanka xanuunka Corona virus.

“Aad iyo aad na waan ugu mahad naqayaa. Sababtoo ah nadaafadda ayuu kaalinta koowaad ka ahaa, awooda uu doono qofku ha la haadee.

Raggii markii ba bilaabay ayuu koow ka ahaa. Aad iyo aad na waan ugu mahad naqayaa” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply