Muruqa Laba Suul Nin-ba si La’ahaa

0
964

Muruqa Laba Suul Nin-ba si La’a

Waxaad shar moodo oo khayr kuu leh ayaa jira, anigu wada hadalada D.jibouti uga furmay Somaliland iyo Soomaaliya, ee caalamku goob joog ka yahay iyo qodobada ka soo baxayba,  waan soo dhawaynaya,  in Somaliland mar uun hesho fagaare caalamiya oo ay garteeda ku soo bandhigto.

Hadaan yar dul istaago qodobka aadka loo hadal hayo ee isdhexgalka oo horeba u jiray marka laga reebo arrimaha khuseeya siyaasadda, amniga Qaranka iyo wax kasta oo lid ku ah Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Aragti ahaan qodobkaas waxan u arkaa baraarujin iyo inaynu baylahdeena garano,  oo fadhiga ka kacno sidii aynu uga shaqayn lahayn wadajirka iyo midnimada shacabkeena, waayo kala daadsanaan kasta iyo furfurka gudaheena ku yimaada wuxuu fursad siinayaa cid kasta oo diidan nabada iyo horumarka ay shacabka reer Somaliland ku naaloonayan.

Waxaan qabqaa isdhexgal kasta oo la sameeya ma liican karo tiirarka qaranimada iyo jiritaanka Somaliland waxay ku timid rabitaanka shacabka oo gartay inay saxaan khalad ay lixdankii galeen oo ahayd baadidoon midnimo shan soomaaliyeed, oo hoog iyo hagardaamo uun ay ka dhaxleen, taa badalkeedana ay go’aansadeen inay
dib ula soo noqdaan madax bannaanidii iyo sharafkoodii iyagoo xor ah oo cid khasabtay aanay jirin.

Hadaba arrintan wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, ee ka furmay D.jibouti goob joogna ay ka ahaayeen beesha caalamku waa bilawga kala taga Somaliland iyo Soomaaliya, oo aakhirka ku danbayn doonta afti dadweyne (Referendum) anigoo ku kalsoon mawqifka cad ee shacabka Somaliland ka taagan yahiin inay noqdaan qaran ka mida qaramada aduunka. Sidaasi oo ay tahay inta wada hadalku socdo warmurtiyeed kasta oo shirka laga soo saaro waa mid hareeraha laga taagan yahay, cidii isku dayda wax ka duwan waxa laysla qaatay ama uga faa’iidaysata dano siyaasadeed waxa ka dhalanaya danbi cidii ku kacdaana waxay jabisay wixii lagu heshiiyay oo labada dhinac midna ma ogolaan karo.

Ugu danbayn xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxan u soo jeedinayaa inay ka shaqayso isku haynta iyo adkaynta wada jirka umada reer Somaliland oo caddaalad ku maamusho, cid kasta oo wax tabanaysa la daweeyo oo wadatashi iyo isku tanaasul lagu wado hawlaha Qaranka.

Shacabkana waxan leeyahay rabitankiina ayay Somaliland ku dhisan tahay nina kuma kaco waxaydaan idinku raali ka ahayn, isku duubnaada dawladiina la shaqeeya si dhangagaalahu meel uu ku gabado u waayo.

Mar walba inaad dareenkiina muujisaan way fiican tahay laakiin waa inaan cadawgu inaga faa’iidaysan oo aynu meel uga soo wada jeedsana shakhsiyadka danta leh ee raba inay bulshada shaki ku abuuraan.

GUUL IYO GOBONIMO.

Wabilaahi tawfiiq.

Qalinkii: Maxamed Gacayte
Gacayte09@gmail.com
Hargeisa/Somaliland.

Leave a Reply