Maxay Faraqa u Dhaxeeya Geeddiga ama Hayaanka?

0
109

Geeddi ama Hayaan

Geeddi waa in reerka miyigu xero, raas ama deegaan ka guuro meel kalena dego.

Geeddiga waxaa keeni kara abaar, duddo-raac, cashi, cidlood, colaad, ama danayn xoolaha loo danayn xoolaha loo danaynayo ka dib markii xerada la deggan yahay naq yarood noqoto ama qaniin ku dhasho.

Hayaanku, waa geeddi tubtiisu dheer tahay, inta badanna waxaa hayaanka keena labo shay oo keli ah, abaar iyo colaad, sida oo kale waxaa soo raacda in mararka qaar duddada lagu soo wargeliyo in degsiimadoodii roobsatay iyaga oo jooga dhul ka fog dhulkii ay ku dhaqmaadi jireen.

Xilliyada geeddiga adhiga, geela iyo awrta geeddiga ah waa la kala kaxeeyaa.

Awrta, qof baa gar qabta inta badanna waa qofka soo sahanshay labo qof ka yarna ma kaxayso haddii reerku ciidan haysto.

Dumarka iyo carruurtu ayagu waxa ay soo kaxeeyaan adhiga iyo maqasho oo ayagana la kala kaxeeyo.

Milayga arooryaad baa rarka lagu lalabaa awrta, marka waa’gu soo guduutana waa la dareershaa haddaan ba faradka ALLE jidka lagu sii gudan.

Waxaa aad u adag ambabixin xoolaha, way kala haraan haddaan laga taxaddarin.

Xooluhu sida oo kale waxa ay kala haraan marka ay soo galaan dhul doog ah inta ay dhulka ku dhegaan. Awrta iyo xooluhu haddii ay kala lumaan waa dhibaatada ugu weyn.

Geelu asagu waa qalable, oo waxaa ba dhacda in uu awrta ka dheereeyo kana hor galo dhulkii loo socday haddaan xerada loo tilmaaminna waa niibtaa.

Aan u soo laabanno awrta raran, qaar waa dhigaysan yihiin ama waa dhigo-jacle, qaar waa guurre qaarna waa caddaysin.

Awrta waa weyn ee hayinka ah inta badan waa la dhigeeyaa haddii uu san xanuunsanayn ama gabow jirin.

Ratiga xoogga iyo hayinnimada isku darsaday waxaa la yiraahdaa MADHUUDHAA.

Dumarku fiidka horey aqalka sii furaan, odeyga iyo innammaduna aroorta horey aqalka ku boobaan awrta iyaga qaadaya salsalka awrta.

“Sida caynku kuu gubay
Cagtu ii dalooshaa”.

“Bacadlow baali naagood
Bar ma kaaga sheegaa
Mise wayga badisaa
Ariga bar maqan yahay
Aqalkaa bilbiliq badan
Carruurtaa baroor badan
Taftay budo ku leedahay”.

Waxaruhu marka ay daalaan waa kuwa ugu dhibka iyo hawkarka badan kaxayntoodu, hoggaaminta wanaagsan waxaa ka mid ah in marka ay daalaan hooyada la dabo taagan tahay QULUX, heesna ugu dhufato ka dibna sanka isku xidhaan inta ka baxaan dhirtii ay ku jireen.

“Maqaleey warlaay
Ma laguu warramay?
Yaa ii warramay?
Ma walaalkay baa
Wadeel ka yimid?”

“Waan daalnayeey
Waan dalaanayeey
Ha naloo degooy
Waan dalnayeey
Berrin cows leh iyo
Berri baa la degin

Hayaanku waa dhibka iyo hawkarka geeddiga, haddii reerka oo geeddi ahi jidka ku sii nasto habeenkaas oo uu gaari waayo xeradii loo socday waxaa la dhahaa LOXOS.

Neef baa habeenkaas la sii loxosaa haddii aysan jirin xoola yarood haddii kalena ugaartaa loo banbaxaa.

Halkaan laguma soo koobi karo cilmiga geeddiga, degista, dhisidda aqalka, ooddidda xeryaha, guryonoqoshada, iyo daaqsingaarku ba cilmiyo kale.

Hawkarkiyo dhibaatada markaan, hibitiq guuraayo

Hayaan faylodhuubiyo markaan, hawdka sare aado

Arigoo hubeerliyo markaan, geela hulinaayo
Markaan higis madoobow naqii, baasha ka haleelo

Arigii hamrada gorodda iyo laabay haraggiiye

#BiciidMagazine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here