Walter: Nin Ikhtiraaciisu Guulaystay!

0
592

Mr.Walter Hant wux ahaa nin leh curinta qalab kala duwan oo aan hore loo adeegsan waxa uu ku noolaa magaalada Newyork. Walter waa ninka  ikhtiraacay qalin khadka, qoriga rasaasta laga rido, Girgiraha, Dawaarka tolida, qalabka masaabiirta lagu sameeyo iyo qaar kale oo badan. Haddaba markii uu saaxiibkii ku yeeshay lacag dayn oo dhamayd $ 15 ayuu goostay inuu sameeyo qalab  muhiim ah oo u suurtageliya inu iska bixiyo daynta, isla markaana ka macaasho.

Maalintaasi ayuu helay taar qiyaastiisu tahay 20 cm, waxaana uu ka fikiray inuu ka sameeyo Biin iyo weliba quful iyo furaha wax lagu xidho.  Fikradaasi wuu ku guulaystay waxaana ka iibsatay shirkadda  W.R. Grace Company iyadoo ka siisatay $ 400. Waxaana uu iska bixiyay deyntii oo dhamayd $ 15, waxaana u soo hadhay $ 385.

Haddaba shirkadaa Grace ayaa iska sii wadatay oo fikradaasi ku samaysay malaayiin biinan iyo qufulo ah iyadoo ka faa’iiday hanti ballaadhan. Nasiib daro waxa aan waktigaasi jirin hay’ada ilaaliinta xuquuqda ikhktiaaracayada.

Leave a Reply