Boorama iyo Xuska Maalinta Xoriyadda Somaliland Ee 26-ka June

0
498

Boorama (Dawan): Munaasibad lagu xusayay lixdan guurrada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadda ka qaadatay mustacmaradii Ingiriiska 26-kii June sanadkii 1960-kii ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Boorama.

Munaasibadaasi oo ahayd mid balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa kulmisay masuuliyiin, madax dhaqameed, aqoon yahano iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda magaaladda Boorama.

Waxaana xafladaasi joogay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, oo uu ka mid ahaa wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore, wasiirka gaadiidka iyo horuamrinta jidadka C/laahi Abokor Cismaan, iyo wasiirro hore xilal uga soo qabtay Somaliland oo uu ka mid ahaa wasiirkii hore ee qorshaynta Cawaale Ibraahim Shriwac.

Maamulka gobolka Awdal, ka degmadda Boorama, masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolka Awdal, Salaadiin, cuqaal, odayaal, waxgarad, aqoon yahano, dhalinyarro, haween iyo dadweyne fara badan oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshadda magaaladda Boorama. Iyo sidoo kale saraakiisha xisbiyadda ee gobolka Awdal.

Waxaana xafladaasi si rasmiya u furay maayarka magaaladda Boorama Saleebaan Xasan Xadi, oo ku soo dhaweeyay masuuliyiintii kale ee madasha ku sugnaa.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Axmed-yaasiin Cali Ayaanle, ayaa sheegay in dadweynaha reer Awdal looga baahan yahay in ay ku faanaan in Boorama ay tahay goobtii dhidibadda loogu taagay dhismaha Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Dhismihii dawladnimadda Somaliland ee aynu inagu (reer Awdal) dabadda ka riixaynay, ee aynu 18-kii bishii May ee sanadkii 1991-kii dan u arkaynay, maanta-na dan buu inoo yahay.

Taariikh baad leedihiin, oo dan aad idinku gaadheen, dad kale ayaynaan ku xag-xagani-ne, aynu dawladnimadda xajisano”.

Wasiirka gaadiidka iyo horuamrinta jidadka C/laahi Abokor Cismaan, ayaa isna xafladaasi ka hadlay ayaa ka waramay taariikhdii loo soo maray helitaanka xornimadda Somaliland26-kii bishii June ee sanadkii 1960-kii.

Badhasaabka gobolka Awdal C/raxman Axmed Cali, oo isna hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa sheegay in xuska maalinta 26-ka June ay tahay maalin qiimo weyn ugu fadhida dadka, dalka iyo dawlanimadda Somaliland.

Geesta kale waxaa xafladaasi hadallo ka jeediyay qaar ka mid ahaa madax dhaqameedkii madasha joogay iyo xubno taariikh yahano ah oo si xeel dheer uga sheekeeyay halgankii loo soo maray xornimadda Somaliland xiligii boqortooyadda Ingiriisku xukumaysay.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply